“Haddii laanta af Soomaaliga ee BBC-du ku guuldaraysato hanashada dhegaysteyaashayada Somaliland, ma aha Sababtu in khaladku ka yimid Agaasimaha guud ee BBC-da, ee dhibaatadu cidda ay ka timid waa laanta afsoomaaliga ah ee BBC-da’’ Agaasimaha BBC DAAWO
Hargaysa 12. March 2017 (SDN/QJ):-Madaxa qeybta Afrika ee BBC World Service, Mr. Solomon Mugera iyo Madaxa laamaha Soomaaliga iyo Sawaaxiliga ee BBC World Service, Mrs. Carolina Korbia, oo Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), kula kulmay xafiiskiisa, ayaa sheegay inay Somaliand u yimaadeen si ay ugala hadlaan dacwadii xukuumadda Somaliland ay dhawaan kaga cabatay dhexdhexaad la’aan ay ka tirsatay laanta afsoomaaliga ee BBC-da. Marka ay noqoto baahinta wararka iyo doodaha ka baxa idaacadaas.
Labadan sarkaal waxay qireen in markii ay dib u dhegaysteen doodii laanta afsoomaaliga ee BBC-du qabatay 17-kii Bishii hore ee Feberwari ee uu daadihanayay Cabdinuur Sheekh Maxamed Isaxaaq ee lagaga hadlayay heshiiska saldhigga millatari ee dawladda imaaraadka carabtu ka sameysanayso Madaarka Berbera, ay dhinac u xaglinaysay.
“Haddii laanta af Soomaaliga ee BBC-du ku guuldaraysato hanashada dhegaysteyaashayada Somaliland, ma aha Sababtu in khaladku ka yimid Agaasimaha guud ee BBC-da, Agaasimaha wararka iyo dhammaan dawladda iyo shacabka Ingiriiska midna ee dhibaatadu cidda ay ka timid waa laanta afsoomaaliga ah ee BBC-da,”ayuu ku dooday Madaxa qeybta Afrika ee BBC World Service, Mr. Solomon Mugera.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa sheegay in masuuliyiinta BBC-da ay ka wadahadleen sidii loo soo celin lahaa kalsoonida iyo dhexdhexaadnimada looga bartay idaacadaas oo uu xusay inay shacbiga Somaliland dhegaysan jireen illaa kontomaadkii.
Hadaba Waxaa Muuqaalkan Ku Jira Hadalkii Labadan Sarkaal ee Idaacada BBC Ka Socday Iyo Sida ay Shacabku u arkaan .