|

Ma Dhabbaa In Dalal Uu Ka Mid Yahay Denmark Dhimeen Xaddigii Dhaqaale Ee Uga Qorshaysnaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF?

Denmark 12. March 2017 (SDN/QJ):-Kadib dib u dhacyo badan oo la xidhiidha doorashooyinka muddo dhaafay ee Somaliland, xaaladaha Musuqmaasuq iyo dawlad xumada ku habsatay Somaliland ee saamaynta ku yeelatay xidhiidhkii caalamiga ahaa ee dalkani la lahaa beesha caalamka gaar ahaan daneeyayaasha nidaamka dimuquraadiyadeed ayaa keentay in dawladihii ku bahoobay maal-galinta Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ay dhimaan xaddigii lacagta ahaa ee ay siin jireen mashruucaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey si weyn wax loogu qabtay qaar ka mid ah baahiyaha aasaasiga ah ee dalkan ka jira iyada oo wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in dawladda Denmark oo ka mid ah dawladaha deeqda ugu badan siin jiray mashruucaasi ay dhimeen xaddigii dhaqaale ee ay bixin jireen soona marin jireen xafiiskooda DANIDA.

Ilo-wareedyo madax bannaan oo u dhuun-daloola Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee loo yaqaano SDF ayaa sheegaya in Waddanka Denmark oo ka mid ah dalalka Deeqda ku darsan jiray Mashruuca SDF ay dhimeen xaddigii lacageed ee uga qorshaysnaa in ay ku bixiyaan mashruucaasi iyaga oo sababta lagu sheegay walaac ay dalalka mashruucan taageera gaar ahaan Denmark ka qabaan dib u dhacyada ku yimid doorashooyinkii Somaliland ee Madaxtooyada, golayaasha deegaanka iyo Baarlamanka taasina ay keentay in lacago xaddi badan oo qorshaysnaa durba laga jaray Mashruucaasi. Inkasta oo aanay noo suurto galin in aan hello xogta la xidhiidha dalal kalena in ay yareeyeen dhaqaalihii ay ku bixin jireen mashruucan iyo in kale.

Ilo-wareedyada Wargeyska Foore helay ee la xidhiidha Arrintan ayaa tibaaxaya in hawl-wadeennada Mashruucan SDF ay saamayn ku yeelanayso geeddi socodkoodii Mashruucan iyada oo wararku sheegayaan in durba lacagtaasi laga dhimay Sanduuqan gaar ahaan waddanka Denmark iyo dalalka la midka ahi ku bixin jireen uu saamayn karo geeddi socodkiisa iyo hananankii hawl-gal wakhti daneeyayaasha Sanduuqani ay lacagihii ugu badnaa ku bixinayaan dawladda Federaalka Soomaaliya oo iyadu gashay doorashooyinkii Madaxweyne sidoo kalena ay dalalkani ku bixinayaan dhaqaale buuran nidaamka dhismaha dawladnimo ee dalkaasi Soomaaliya taasi oo keenaysa in ay ka sii jeedsadaan dhinaca Somaliland oo ay in muddo ahba walaac weyn ka qabeen qaabka gaabiska ah ee ay u socoto nidaamka dawlad wanaag ee dalkani kadib dib u dhacyo badan oo ku yimid doorashooyinka wakhtiyadoodii dib uga dhacay.

Inkasta oo xaaladdani ka soo cusboonaatay dawladaha deeqda ku bixiya Somaliland haddana waxa laga yaabaa in ay sii socdaan ugu yaraan lacago faro guudkood ah oo ay ku bixiyaan mashruucan iyo guud ahaan deeqaha ay siiyaan Somaliland oo aanay sidaa ku wada goyn doonin balse ay yarayn doonaan halka ay laban laabayaan lacagaha ay ku bixiyaan Maamulka Muqdisho.

Dadka siyaasadda Somaliland u kuur galaa waxa ay tibaaxayaan in dawladda Somaliland si weyn ugu guul daraysatay in ay wanaajiso xidhiidhkii ay la lahayd beesha caalamka iyada oo tallaabooyin dhawr ah oo ay qaadeen ay ka cadhaysiiyeen dawladaha saaxiibka la ah ee daneeya arrimaha dalkan. Si kastaba ha ahaatee lama oga halka xaaladahaasi ku dambayn doonaan wakhti doorashooyinkii Baarlamanka iyo golayaasha deegaanka muddo dheer dib loo sii dhigay kadib go’aankii dhawaa ee Guurtida.

Comments are closed