Ururka U Dooda Xuquuqda Dameeraha oo Olole Caafimaad oo Dameeraha lagu Daaweenaayo Ka Fuliyay Magaalada Hargeysa DAAWO
Hargaysa 10. March 2017 (SDN/QJ):- Ururka u dooda xuquuqda dameeraha oo marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaano SAWS ayaa waxa uu olole caafimaad ka fuliyay magaalada Hargeysa, iyadoo ololehaasi lagu daaweeyay qaar kamid ah dameeraha ku nool magaalada Caasimadda ah ee Hargeysa.
Koox dhakhaatiir ah oo uu hoggaaminaayay Guddoomiyaha ururka xuquuqda dameeraha Dr. Cali Xirsi Xasan ayaa waxa ay ololelahan ka bilaabeen goobaha inta badan ay biyaha ka dhaamiyaan dameerlayaasha magaalada Hargeysa, iyadoo ololehan uu qayb ka ahaa in ciddiyaha laga guro dameeraha oo iyagu dhibaato ku keena socodka dameerka.