|

Weligaa Ma Maqashay Qof Hooyo ah Hadana aan Hooyo Lagu Sheegin Shakhsi Kastana Noloshiisa Saamayn Ku Leh? DAAWO

Hargaysa 10. March 2017 (SDN/QJ):- Macallin, Abwaan Qoraa Sheeko Masrax,Qareen Ergo Iyo Af Soomaali Waa Prof Siciid Saalax Axmed,Heestan Ma Jiro Suugaan  Yahan Kale oo Godkeeda ka Maansooday, Qof Hooyo ah hadana aan Hooyo Lagu Sheegin Isla Markaana Qof Kasta oo inaga mid ah Noloshiisa Saamayn Ku Leh.

Wuxuu Heestan Tiriyey 1979kii Iyadoo uu Kaga Qayb galay Tartan ka Dhacay Dalka Switzerland .

Midhaha Heestan Waxay u dhacayeen Sidan:-

Hooyo aan la aqoonsan,

Hooyo aan la ogayn,

Hooyo aan la astayn

Haddana aan laga Oollin

Umulisooy adigaa ah,

Ooridii kohaneysaa

Markay fooshu eryeysoo

Tay ku eeranaysaay

Astaantii naxariista

Umulisooy adigaa ah,

Qofkastoo ifka joogaa

Ammintuu dhalanaayay

Soo dhaweynta ilmahaa

Irriddii jiritaanka

Umulisooy adigaa ah,

############

Ubadku goortuu

Uurkahooyo ka soo arooro,

Marka adduunka

Dhibaato oosha

Ugu horreysaa,

Markuu abbaaro

Naqasku oofta

Oohintiisa axad u jeela

Ku farxaa oohin

Adiga weeyee,

Ujeedadaadu Ubadka Weeye

Ha Ambo qaado

Armuu ahaanba Waayaha Adduunka

Mid abda Yeela.

Muuqaalka Heesta Halkan ka Daawo

Comments are closed