|

Britain :Nin Middi Ku Weeraray Laba Dumara Oo Midkood Geeriyootay Iyo Gacan Ku Dhiiglihii Oo Isna Geeriyooday !

Wolverhampton 10. March 2017 (SDN/QJ):- Ciidanka Booliska Magaalada Wolverhampton ee ku taala badhtamaha Dalka Britain ayaa sheegay in khilaaf ka dhex dhacay Qoys ku nool magaaladaasi uu sababay dhimashada laba qof.

Bayaan ay soo saareen ciidammada Bilayska ayaa waxay ku sheegeen in lagala soo hadlay guri ku yaala xaafada Drive to Isogs markii ay saacadu ahayd 9:45 Daqiiqo ee Subaxnimo, kadib markii ay ciidammadu goobtaasi gaadheena waxa la ogaaday in Nin Rag ahi uu laba Dumar ah Middi galiyay oo uu gaadhsiiyay Dhaawacyo halis ah.

Sidoo kale waxay Ciidammada Bilaysku cadeeyeen markii ay gurigii galeen in ay la kulmeen ninkii la sheegayay oo gacanta ku sita Middidii uu Falkan ku geystay, sidaa darteedna waxa isla markiiba geeriyootay mid ka mid ah labadii dumar ee uu Ninkani dhaawacyada u geystay, arrinta kale ee aadka u layaabka badnayd ayaa ah in Ninkii la soo qabtay ee Falka geystay oo isna muddo yar kadib uu geeriyooday, halka haweenaydii kale la dhigay dhakhtar ku yaala magaaldaasi.

Dhacdadan ayaa dhacday doraad oo ku beegnayd Maalintii haweenka Adduunka.

Comments are closed