Wiil Dhallinyar Ah Oo U Dhashay Dalka Hindiya Oo La Liita Xanuun Aad Ugu Yar Dunida !
Delhi 10. March 2017 (SDN/QJ):- Caafimaadku waa u muhiim nolosha Aadamaha waxaana habboon in aynu had iyo jeer Ilaahay ugu mahadnaqno Caafimaadka uu ina siiyay una ducayno Dadka Xanuunsanaya ee dareemaya Qiimaha uu leeyahay Caafimaadku.
Wiil dhallinyaro ah oo u dhashay Dalka Hindiya ayaa waxa la soo darsay Xanuun aad u naxdin badan oo aad ugu yar Dunida, Xanuunkan ayaa meel kasta oo ka mid ah jidhka wiilkan ku sameeyay Barrar sababay in Wajigiisa la arki kari waayo.
Xanuunkan oo magaciisa la yidhaahdo Neurofibromatosis ayaa waxa Khalkhal galiya Genes-ka kala Duwan ee jidhka Aadamaha.
Wiilkan oo la yidhaahdo Millan Da’diisuna tahay 16jir ayaa waxa uu ku nool yahay Tuulada Bihar ee Dalkaasi, Xanuunkaasi waxa uu sababay in la takooro Millan oo uu ku xidhnaado qol gaar u ah, sababtuna waxay tahay cabsi ay ka qabaan Dadka ku xeerani, sida lagu soo bandhigay Barta Internet-ka ee Boldskaa.
Xanuunkan ku dhacay Millan ayaa waxa uu sabab u noqday inuu hadli kari waayo iyo inuu neefsan kari waayo, waxa kale oo ay Qoyska Millan cadeeyeen in xanuunkani uu ku bilaabmay markii loo geeyay mid ka mid ah Dhakhaatiirta ka hawl gala Tuulada Bihar si ay uga daweeyaan Burro ka soo baxday oo xanuun ku haysay, balse ay usoo qoreen Dawooyin qaldan, dawadaasina sababtay Xanuunka noocan ah, xaalada dhaqaale ee qoyska Millan oo aad u adag ayaa Waalidkiisu awoodi waayeen inay la kaashadaan Dhakhaatiir kale oo wax ka qabta arrintan.
Dhinaca kale, Dhakhaatiirta ayaa sheegay in Xanuunkani haddii u gaadho Xaaladda Millan oo kale aan waxba laga qaban Karin, waxa kale oo ay sheegeen in Xanuunkani uu 33 kii kun ee qof ba uu ku dhaco qof kaliya guud ahaan Dunida oo dhan.