Xukuumadda Siilaanyo Oo Qiratay Inay Ku Fashilantay Wax Ka Qabashada Laba-Kaclaynta Sicir-bararka Doollarka
Hargaysa 09. March 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda talada Somaliland haysa ee Madaxweyne Siilaanyo hoggaamiyo, ayaa qiratay inay ku fashilantay wax ka qabashada Sicir-bararka Sarrifka Doollarka oo maalmihii u dambeeyey Cirka isku shareeray, ka dib markii ay bishii hore Xukuumaddo go’aammo ay sheegtay in lagu xakamaynayo Sarrifka Doollarka, korna loogu qaadayo qiimaha Lacagta dalka oo ay soo saartay buray ama hirgeli waayey.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Axmed Xaashi Cabdi, ayaa mar uu shalay Warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, sheegay inay Xukuumad ahaan ka xun yihiin in Sicir-bararka Sarrifka Doollarku halkii ay go’aammada ka soo saareen ku noqday, taas oo uu tilmaamay inay sabab u tahay dabacsanaan uu sheegay inay ku timi fulinta ama hirgelka go’aammadii Golaha Wasiirradu soo saareen 24-ka bishii koowaad ee sannadkan, isla markaana Madaxweynuhu Digreetada ku dhaqan-geliyey isla 24-kii bishaas sannadkan 2017-ka.
“Runtii aad iyo aad baan uga xumahay inuu sicirbararku halkiisii ku noqdo, xukuumadu runtii markii horre dedaal bay ka samaysay oo waxay isku dayaysay inay xakamayso oo qodobo ayay ka soo saartay oo qodobadii waxaad mooda inay qaarkood dabacsanaani ku yimaadeen. Dabacsanaantaas baa keeni karta inuu halkiisii ku noqdo ama halkii la doonayay aanu gaadhin.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Xaashi.
Wasiir Ku-xigeenka Madaxtooyada Axmed Xaashi Cabdi, waxa uu sheegay inay gudashada masuuliyaddaasu Xukuumadda u taallo, waxaanu yidhi; “Xukuumad ahaan mar labaad masuuliyad baa naga saran in dib loo eego oo la dardargeliyo hawlihii iyo go’aamaddii sidii wax looga qaban lahaanna waa masuuliyad xukuumadda u taalla waana mid aannu aaminsannahay in hawsha dib loogu qabto sidii umaddan wixii loogu ballan qaaday ee ahaa in qiimaha shillinka kor loo soo qaado.”
Qiimaha Sarrifka Doollarka lagu beddelayo, ayaa maalmihii u dambeeyey Boqolka Doolar marayey Lacag ka badan siddeed Boqol oo Kun. Kor u kaca Sarrifka ama isku-beddelka Lacagta Doollar-ka ee Shillinka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyey lagu sarrifayey $100 Doollar lacag dhan 8,40,000 gacanta hore, taasoo ka soo horjeedda Digreetadii Madaxweynaha Somaliland ee lagu meel-mariyay qiimaha Doollarku in aanu dhaafi karin 7000 oo Shillinka Somaliland ah.
Sidoo kale, waxaan is-beddelin oo aan weli fulin go’aanka Golaha Wasiirrada iyo Digreetada Madaxweynaha qodobbada khuseeyey Adeegyada Zaad iyo E-Dahab ee Lacagta Taleefannada la isugu diro oo ay Xukuumaddu u qabatay 48 saacadood in lagu joojiyo isu-diridda wixii ka yar Boqol Doollar, taasoo ay Xukuumaddu wakhti aan la cayimin u qabatay laba habeen ka dib markii go’aankaasi soo baxay. Sidaa daraaddeed, waxaa muuqata inay Xukuumadda Siilaanyo guud ahaan ku fashilantay wax ka qabashada Sicir-bararka Muceeshadda, Qiimaha Doollarka iyo kor u qaadista qiimaha Shilinka Somaliland.