Waxa kala qabsaday Muuse Biixi iyo Weriye Dedaal Muujiyey, Su’aalaha & Jawaabaha Cadhada leh DAAWO
Hargaysa 09. March 2017 (SDN/QJ):- Musharraxa Jagada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye ahna Guddoomiyaha Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa si cadho iyo diidmo ku jirto uga jawaabay Su’aalo uu weydiiyey Weriye dedaalayey oo ka tirsan TV-ga cusub ee Saab, ka dib markii ay Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ansixiyeen Isniintii, isla markaana muddadii heshiiska lagu ahaa oo Muuse markii hore ka soo horjeeday oo lix bilood ahayd ay ku sii kordhiyeen laba Bilood iyo maalmo.
Guddoomiye Muuse Biixi oo gacantiisa iskaga qabtay Mikirifoonka uu Weriyaha Su’aalaha weydiinayey sitay, ayaa si koobkooban oo diidmo ku jirto uga jawaabay qaar ka mid ah Su’aalaha uu Weriyuhu weydiiyey.
Su’aalaha oo la xidhiidhay sida uu u arko Muuse Biixi iyo Xisbiga uu hoggaamiyo ee Kulmiye muddo-kordhinta siddeedda bilood iyo maalmaha ah ee ay Golaha Guurtidu u ansixiyeen Madaxweyna iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, maaddaama oo uu markii hore ka soo horjeeday in muddo-kordhinta lixda bilood ah ee ay Xisbiyada Mucaaradka ah ee Waddani iyo UCID soo jeediyeen, waloow markii dambe ay isku raaceen saddexda Xisbi, Xukuumadda iyo Guddiga doorashooyinka Qarankuba.
Waxa ka jira wararka sheegaya in Madaxweyne Siilaanyo diiddan yahay 8-da bilood iyo aragtidiisa la xidhiidha haddii taasi dhacdo oo Siyaasaddu is-beddesho oo Musharrax ku-xigeenkiisa oo ah Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan-Saylici talada dalka qabto.
Jawaabaha uu Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha ee Xisbigaasi ka bixiyey Su’aalaha Weriyuhu weydiiyey iyo sidii ay u dhaceen-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-