|

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Oo Ku Baaqay In Xorriyadiisa Loo Celiyo Wariye Ku Xidhan Saylac

Hargaysa 09. March 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa si adag uga hadlay xadhiga wariye ka tirsan telefishanka Star oo maalintii saddexaad ku xidhan xabsi ku yaala magaalada Saylac.

Xuuto oo war qoraal ah na soo gaadhsiiyey ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

“Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa Ciidanka Booliiska iyo shirkadda Xukuumadda Somaliland siisay inay Ciida magaaladda saylac u Iib-geeyaan Jabuuti, inay sida ugu dhakhsaha badan Xorriyaddiisa ugu celiyaan Wariye Cali Xajar, oo maalintii saddexaad si sharci darro ah ugu xidhan saldhiga Saylac.

Ururka SOLJA waxa uu u arkaa xadhiga wariye Cali Xajar mid baal marsan sharciga Saxaafadda Somaliland oo awood u siinayaa wariyayaasha ka hawl-galaa inay wararka u raadsan karaan si madax bannaan oo aan ka hor imanayn nidaamka war-doonista ee Xeerka Saxaafadu jideeyey.

Ururka SOLJA, ma arko sabab sharci ah oo wariyahaasi u xidhan yahay muddada saddexda cisho ah, iyadoo illaa hadda Maxkamad la horkeenin, halka markii hore-na qabashadiisa loo maray Nidaam sharci darro ah.

Ururka SOLJA mar kale waxa uu ugu baaqayaa Ciidanka Booliiska inay Xorriyaddiiisa u soo celiyaan wariye Cali Xajar. Isla markaana u ogolaadaan inuu shaqadiisii uu ka hayey Telefishanka STAR dib u bilowdo.

Ururka SOLJA, waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland tallaabooyinka ay qaaday labadii bilood ee sanadkan cusub inay yihiin kuwo kordhinaya xadhiga sharci darradda ah ee lagula kacayo Suxufiyiinta, halka labadii sano ee ka horeeyey ay Hoos u dhaceen.

Maxamud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA

Comments are closed