|

Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya

Muqdisho 09. March 2017 (SDN/QJ):- Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa wali ku mashquulsan wadatashiyada ku aadan dhismaha Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya oo la filayo in maalmaha iyo saacadaha soo aadan lagu dhawaaqo.

 

Inta badan Wasiirada kamidka noqonaya Xukuumada cusub ayaa la sheegay in ay diyaarsan yihiin, waxaana wali harsan wasiiro yar oo wali wadatashiyo laga leeyahay cida ku haboon ee loo magacaabi karo.

 

Wasiirada cusub ayaa la filayaa in ay kasoo dhax muuqdaan xubno aad ugu dhaw dhaw Madaxweyne Farmaajo qeybna ka ahaa oloihii doorashada uu kusoo baxay, waxaa sidoo kale Wasiirada kasoo muuqan doona xubno horey Wasiiro u soo noqday .

 

 

Xildhibaano katirsan Baralamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa in ay kasoo dhax muuqdaan golaha Wasiirada cusub, waxaana wasiiradan inta badan lagu soo xulan doonaa aqoon iyo karti sida aan wararka ku helnay.

 

Warar aan ka helnay ilo ku dhaw dhaw Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegaya in golaha Wasiirada ay noqon doonaan 25-Wasiir , Wsaiir kuxigeeno iyo Wasiiru-Dowlayaal,

 

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayay in uu maanta ku dhawaaqo golaha Wasiirada hasa ahaatee waxaa soo baxaya in ay jiraan dib u dhacyo ayna socdaan wali wadatashioyo laga yeelanayo dhismaha xukuumaxa cusub.

 

Magacaabista Golaha Wasiirada ayaa la filayaa in ay dhacdo isbuuca soo socda horaantiisa, waxa ayna dad badan ay ka dhursugayaan cikda kusoo bixi doonto kamid noqoshada Golaha Wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Comments are closed