Maxaa ka jira in Xisaabaadkii Wasaaradaha dowlada Somalia ku lahaayeen Bankiga dhexe in la xanibay?
Muqdisho 09. March 2017 (SDN/QJ):- Warar lagu kalsoon yahay oo isa soo tarayey saacadihii la soo dhaafay ayaa sheegayay in la xanibay akoonadii wasaaradaha xukuumada iyo maamulka gobolka Banaadir ku lahaayeen Bankiga dhexe ee Somalia.
Amar ka soo baxay raisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayey wararku sheegayaan in lagu xanibay akoonadii wasaaradaha iyo maamulka gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowaan markii xilka loo doortay waxaa uu xanibay akoonada heyadaha dowlada hase ahaatee maalmo kooban ka dib waa la fasaxay.
Ma jiro war ka soo baxay xafiiska raisul wasaaraha oo ku saabsan sababaha xanibaadan keenay balse warar hoose ayaa sheegaya iney la xiriirto magacaabida golaha wasiirada iyo sidii hantida qaranka loo ilaalin lahaa xiliga isbedelka wasiirada.
Wasaarado tiro yar oo ay ka mid tahay Gaashaandhiga ayaa la sheegay in loo ogolaaday akoonadooda iney kala bixi karaan lacago xadidan oo lagu maareynayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalada kula jira Al-Shabaab.
Madaxda cusub ee dowlada Soomaaliya ayaa horey wacad ugu maray iney la dagaalami doonaan xarooyada iyo boobka lagu sameeyo hantida dowlada.