HAWD: Xanuunka Shuban-biyoodka Oo Faro-baas Ku Haya Dadka Ku Dhaqan Deegaannada Hoos-taga Balligubadle Iyo Tirada Cisbitaalka La Dhigay
Balli Gubadle 08. March 2017 (SDN/QJ):- Xanuunka Shuban-biyoodka ayaa faro-baas ku haya Deegaannada hoos-taga Degmada Balligubadle ee Gobolka HAWD, waxaana Cisbitaalka Magaalada Balligubadle la jiifiyey Carruur iyo Waayeel uu Xanuunkani Asiibay.
Sidaana waxa sheegay Agaasimaha Cisbitaalka Magaalada Balligubadle Xuseen Xasan Cali oo Shalay Saxaafaddu booqatay.
Dr. Xuseen xasan Cali oo Arrimahaa faahfaahinayaana wuxuu yidhi, “Shuban-biyood baa ka jira Balligubadle, waxa Cisbitaalka jiifa 8 Carruur ah iyo Afar Qof oo waaweyn. Waxaanu daweynay 32 Qof oo bukaan Socod ahaa waxaanu daweynay Toddobaadkan oo Xanuunku bilaabmay.”
Agaasimuhu wuxuu ka warramay deegaannada laga keenay Dadka Xanuunkan u jiia Cisbitaalka Balligubadle, “Deegaanka Kaabadda bari Dad Xanuunkani hayo ayaa laga keenay oo Cisbitaalka ayay jiifaan, deegaanka Bidhiiqa waa laga keenay oo Cisbitaalka ayay jiifaan, markaa waxaan idiin caddaynayaa inuu halkan ka jiro Xanuunka Shuban-biyoodka, laakiin weli Gacanta ayaanu ku haynaa oo faraha kama bixin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu sheegay in Xanuunkani ka dhalanayo Biyaha oo aan nadiif ahayn, “Biyaha oo aan nadiif ahayn iyo Dadka oo wax ku filan oo ay cunaan haysan ayaa keenaysa Xanuunka.”