Kala Duwanaanshaha qaabkii uu Gudoomiyaha Golaha Guurtidu Saleebaan Gaal u Galay Labada Ajande ee Saldhiga Mileteri Iyo Mudo Kordhinta Xukuumadda Iyo Su’aalo Dareen Keenay oo Ka Dhashay Guddida Loo Magacaabay Mudo Kordhinta
Hargaysa 06. March 2017 (SDN/QJ):- Badhtamihii bishii aynu ka soo gudbnay ee Feebarweri ayaa fadhi buuq badani ka dhashay ay labada gole baarlamaan ee Somaliland ku ansixiyeen heshiis ay xukuumadda Somaliland dalka Imaaraadka Carabta ugu ogolaanayso in uu saldhig milateri ka samaysto magaalada Berbera ee Somaliland.
Fadhigaas wada-jirka ah oo uu marka hore madaxweyne Siilaanyo u jeediyey khudbad sannadadeedkiisii ayaa waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday in loo soo ansixiyo heshiiskaas, oo uu u igmaday in wasiirro xukuumaddiisa ka tirsani sii faahfaahiyaan, laakiin arrintaasi waxa ay keentay dood sharci oo la xidhiidha cidda awood u leh ansixinta heshiisyada dabeecaddan leh iyo muran siyaasi ah oo illaa hadda aan dhammaan.
waxa taas ka sii dood badnayd qaabkii uu guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan u guddoomiyey fadhigaas oo su’aalo badan dhaliyey, gaar ahaan marka la eego xildhibaanno badan oo uu guddoomiyuhu u diiday in ay aragtidooda ka yidhaahdaan heshiiskan, iyo kuwo amarkiisa ay ciidamada ammaanku xoog kaga saareen golaha.
In Saldhig milateri dal la siiyaa ma’aha arrin ugub ku ah dunida, waa se’ arrin leh muhiimadiyo miisaan culus, maadaama oo ay la xidhiidho masiirka ummaddeed, isla markaana taabanayso nolosha, dhaqaalaha iyo ammaanka dalka, sidaa awgeed waxaa ka muuqatay in culayska ay u baahnayd arrintaas aanu siinin guddoomiye Saleebaan oo fadhigii ku hoggaamiyey in khudbaddii madaxweynaha kadibba laga daba geeyo ansixinta heshiiskan.
Taas beddelkeeda fadhigii doraad ee golaha Guurtida oo uu guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan soo hor dhigay qorshaha muddo kordhinta loo samaynayo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu siiyey culays iyo muhiimad qaran oo gaadhsiisan heer aad u sarreeya, haddii aanay dadka qaar kuba tilmaami karin mid intiisa laga weyneeyey, waxa uu guddida joogtada ah faray in ay qoraal ku keenaan talo bixintooda, sidoo kalana waxa uu guddoomiye Saleebaan arrintan u saaray guddi xubnaheedu Afar meelood meel ka noqonayaan tirada guud ee golihiisa, isaga oo ku dooday in loo baahan yahay in cid kastaa iska dhex aragto.
Labada miisaan ee labadan qadiyadood ku leeyihin dalka marka la eego waxa muuqanaysa in ugu yaraan xaaladda imika uu ka hore ka miisaan culus yahay, kana saamayn badan yahay muddo kordhinta oo ah xaqiiqo ina hortaalla oo ay muuqato in aanay doorashadu waqtigeeda ku dhacayn.
Sida laga warqabo murashaxiinta xisbiyada oo uu ku jiro xisbiga talada hayaa waxa ay si midaysan isula qaateen muddo kordhin ay xitaa waqtiga loo baahan yahay isla qiyaaseen, waxaa isaguna arrintaas taageeray madaxweyne Siilaanyo oo ay la hortageen heshiiskooda, halka Komishanka doorashooyinkuna hore u caddeeyeen in aanay iyaga dhinacooda waxba ka qabyo ahayn, marka ay sidaas tahay waxaa muuqanaysa in qadiyadda muddo kordhintu ay ka miisaan yaraanayso tii ansixinta heshiiskii saldhigga milateri ee Imaaraadka.
In Guddoomiye Saleebaan uu ajandaha muddo kordhinta ee golihiisa hor yaallo qaabkaas miisaanka badan u galaa waxa ay ka dardaar warinaysaa in uu run noqon karo doodda ay dad badani qabaan ee sheegaysa in Guddoomiyuhu uu ka shaqaynayo sidii muddada loo kordhinayo golaha xukuumaddu uu uga badan lahaa inta ay xisbiyada iyo xitaa madaxweynuhu isla qaateen oo ahayd lix bilood. Haddii ay sidaas u dhacdana waxaa muuqanaysa in guddoomiye Saleebaan oo muddooyinkii dambe aad loogu canaananayey in uu doonista xukuumadda ku shaqaynayaa uu markanna raacay damaca ay qabaan dad ka mid ah xukuumadda oo ah in lix bilood ay ku yar tahay sii fadhigooda kursiga.
Mid ay tahayba maalmaha yar ee soo socdaa waxa ay mar kale muujin doonaan sida uu guddoomiye Saleebaan u galo arirnta muddo kordhinta, oo durba siyaasadda uu ku hagay su’aalo dhaliso.