|

Laba Dumar Ah Oo U Dhashay Dalka Canada Oo La 36sano Ka Hor Oo Haatan La Helay Iyaga Oo Nool !

Toronto 06. March 2017 (SDN/QJ):- Booliska Dalka Canada ayaa xaqiijiyey in la helay laba dumar ah oo 36 sano ka hor la waayay, isla markaana loo qaatay inay geeriyoodeen, labadan dumara oo walaalo ah ayaa la xaqiijiyay inay muddadaasi ku noolaayeen Dalka Maraykanka.

 

Labadan dumara ayaa la aaminsanaa inay geeriyoodeen oo ay gacanta u galeen Nin dhiigyo cab ah oo u dhashay isla dalkaasi oo la yidhaahdo Robert Bicton, sabata keentay in loo tuhmo ninkan ayaa ah in marrar hore lagu qabtay dil uu u geystay dumar ku noolaa Degmada ay ka soo jeedaan ninkan iyo labada dumara ee Alberta, isaga oo dumarka uu dillo ku aasi jiray beer uu leeyahay.

Warkan oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay Wargeyska Daly Mail ee ka soo baxa Dalka Britain ayaa afhayeen u hadlay Ciidammada Bilayska Dalka Canada oo magaciisa la yidhaahdo Scott Wood ayaa waxa uu yidhi “Labada dumar ah ee magacyadooda la kala yidhaahdo Anna Hacker oo da’deedu tahay 67 jir, iyo walaasheed Kim oo 53 jir ah ee ku noolaan jiray magaalada Odmanton ee degmada Alberta waxay qarsoomeen badhtamihii sanadkii 1981kii, balse haatan way nabad qabaan oo waxay ku nool yihiin Maraykanka”.

Sidoo kale, Warbixintu waxay sheegtay in labadan dumar ahi ay ka tageen gurigooda iyaga oo aan u sheegin waalidkood halka ay ku socdaan, iyada oo ay ku kaliftay sida warbixinta ku cad in dhibaato dhaqaale ay soo food saartay qoyskooda kadib markii Aabahood geeriyooday, isaga oo ka shaqayn jiray shirkad dhuxusha soo saarta.

Dhinaca kalena, waxa la sheegay in la helay goobta ay ku nool yihiin labda dumar ahi kadib markii la tixraacay buug ay midkood qortay, isla markaana uu cadeeyay Mr Scott in ciidammada Dalka Maraykanku ay u si toos ugu soo gudbiyeen in ay labadan dumar ahi wali nool yihiin iyo in aan wax dhibaato ahi haysan.

Comments are closed