|

LaYaab: Nin U Dhashay Dalka Japan Oo Jarriidado Uu Gurgiisa Ku Ururin Jiray Sabab U Noqdeen Dhimashadiisa !

Japan 06. March 2017 (SDN/QJ):- Nin u dhashay Dalka Japan ayaa geeriyooday kadib markii ay dusha kaga soo dhaceen Jarriirado tira badan oo uu gurgiisa ku ururin jiray, kuwaasi oo la sheegay in aanay ahayn ku cilmiya ee ay ahaayeen kuwa gudbiya dhaqan xumo iyo waxyaabaha aan wanaagsanayn ninkan oo da’diisu ahayd 50 jir ayaa la sheegay in markii muddo ah la waayay la helay isaga oo ku hoos jira Jarriidadahaasi.

Warkan oo lagu soo bandhigay wargeyska Metro ayaa waxa lagu xaqiijiyay in Jarriidadaha ku soo dhacay Ninkan ee dilay ay gaadhayeen ilaa iyo 6 Ton, waxa kale oo aad u layaab badnaa in ciidammada Dalkaasi ay qariyeen dhimashada ninkan oo lagu magacaabi jiray Joji waxa aanay dhimashadiisa shaaciyeen lix bilood kadib.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah qaraabada Joji ayaa sheegay in ay iyaga oo nadiifinaya aqalkiisa ay helaan meydkiisa, balse aan marnaba la filayn inuu geeriyooday waxaanay noqotay arrin aad u layaab badan oo laga hadal hayo Dalkaasi Japan.

Comments are closed