Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Bulshada Somaliland Ugu Baaqay Inay Iskugu Soo Baxaan Mudaharaad Ka Dhana Saldhiga Milatari, Walaacna Ka Muujiyay Xaalka Dalku Marayo
Hargaysa 05. March 2017 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ee had iyo Goor Dareenka Tolmoon la wadaaga Bulshada Somaliland ayaa ku baaqay inay Gobolada dalka iyo Caasimadaha Waa Weyn ee Somaliland ka abaabulayaan Mudaharaad lagaga soo horjeedo Saldhiga Milatari ee Dalka Imaaraatka Carabta laga siiyay Magaaladda Berbera,Waxa uu sidoo kale ka hadlay Mudaraadkii Jaaliyada Reer Somaliland ee London ku qabatay Cariga Ingiriiska,ee ay kaga soo horjeesteen Saldhigan Milatari,Waxaana uu sheegay in arintaasi ay kaliftay in Qurbaha laga mudaharaado kadib markii dadkii dalka gudihiisa joogay culays la saaray ee la cabsi galiyay,Dad badana loo xidh xidhay.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa sidan ka sheegay Maruu khudbad ka jeediyay Munaasibad uu Xisbiga uu ka tirsan yahay ee WADDANI u qabtay Taageerayaal ku soo biiray,Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa“Maanta Mudaharaad ayaa London ka socda,markii Halkan la diiday ee Dadkii la xidhay Xidhay, ee Baarlamaankii La xidh xidhay, ee Dawladnimadii la waayay, ee Dastuurkeenii la jabiyay,ee lagu tuntay,ayay naftu inagu kaliftay inaynu London ka muujino Dareenkeena, Waxaan idiin sheegayaa,Hawshaasi way dhacaysaa,Maanta wax inoo hadhay majiro,Markaynu hakaasi iskugu nimaadno,inaga lafteena ayaa Mudaharaadka ku xigsiinaya,Hargeysa ayaynu Mudaharaad ku qabanaynaa,Oo Berbera ayaynu ku qabanaynaa,oo Gabiley ayaynu ka qabanaynaa,Sheekh ayaynu ka qabanaynaa oo balankeeno waa Caynkaa”.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa sidoo kale bulshada Somaliland u soo jeediyay inaanay wax cabsi ah muujin,Madaama oo Dawladii Siyaad Barre ee Awooda badnayd ee ku xadgudubtay ay dumiyeen,Waxa uu sidoo kale hadalkiisa ku soo qaatay oo uu Carabku ku adkeeyay Laba Wiil oo uu sheegay inay dalkan fawdo ka dhex wadaan,kuwaasi oo uu ujeeday Wiilasha Casabada la ah Qoyska Madaxweyne Siilaanyo,kuwaasi oo dhawrkii sano ee u dambeeyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si weyn uga dhex Muuqday,islamarkaana mid ka mid ahi uu soo agaasimay Saldhigan Milatari ee Dalka Imaaraatka laga siiyay Magaaladda Berbera ee Buuqa iyo muranka taagan abuuray,Waxaana uu yidhi Siciid Cilmi Rooble isagoo wiilashaasi la hadlaya“Baqan Mayno,Afweyne ayaynu ka baqan waynay,ka baqi Mayno Laba Wiil iyo Wax hoosyaalaba”. Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah WADDANI.