”Hablaha iyo Carruurtu Guryaha kama soo baxayaan,Laakiin Dawladdaa dhami waxay ku mashquulsan tahay maxaa Maanta laga yidhi Masaajidkii Xawaadle” Sheekh Aadan Siiro DAAWO
Hargaysa 04. March 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamud (Aadan Siiro) ayaa Sheegay in Laamaha amaanka ee Somaliland Ku Mashquulsan Yihiin Masjidka uu Imaamka ka Yahay ee Xawaadle ee Magaaladda Hargaysa Isagoo Xusay in arrimo badan oo Khatar Ku ah Nolosha Bulshada lagu arkay Caasimadda Hargaysa.
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud, waxa kale oo uu is-waydiiyey waxa Laamaha Ammaanka iyo Masuuliyiinta kale ee Dawladda Somaliland uga hadli la’yihiin Carruuraha la sheegayo in Dad aan la garanayn ay Qaadanayaan, arrintaasi oo ku soo noqnoqotay Magaalooyinka Somaliland, “Imika maxaa ka jira Magaalada (Hargeysa).? Hablaha iyo Carruurtu Guryaha kama soo baxayaan, oo waxa laga dhaadhiciyey Heblaayo ayaa la qaatay, imika xaafadda (Xawaadle) laba Hablood baa la la’yahay, mid kale Gurigooda ayaan tagay iyadoo ay sii muuqato halkii laga geliyey Siliishku (Markii la qaatay). Laakiin Dawladdaa dhami waxay ku mashquulsan tahay maxaa Maanta laga yidhi Masaajidkii Xawaadle (ee Hargeysa), waxay ku mashquulsan tahay Hebel yaa Hadal-hayey. ? Intaas oo Ciidan ah ayaa jira, haddana Ummaddii bay Qancin kari la’yihiin, yaa Masuuliyaddaa leh. Imika Bil ayuun baa la leeyahay Heblaayo iyo Heblaayo ayaa la qaatay, Sababma ayaad dadka ula hadli la’dihiin ee aad Ummadda u qancin la’dihiin.”? Ayuu yidhi, waxaanu Laamaha ammaanka ugu baaqay inay arrintan wax ka qabtaan, kana hadlaan oo ay Ummadda u faahfaahiyaan.