Shaqaalaha Dalka Japan Oo U Labistay Sida Ninjaha & Macnaha ay Xambaarsan Tahay!
Japan 02. March 2017 (SDN/QJ):- Ninja waxay ahaayeen dagaalyahano soo caan baxay qarnigii 15aad waxaanay ku noolaayeen Dalka Japan oo ay gacanta ku dhigeen goobo ka tirsan Dalkaasi oo ay ka mid ahaayeen labada goobood ee Ijaw iyo Koga ee ku yaalla badhtamaha Dalka Japan, waxaanay ku caan baxeen taatikooyin dagaal oo aan hore loo arag sidoo kalena waxay si heer sare ah u gali jireen hawlaha sirdoonka oo marar aad u fara badan laga soo saaray Fillimo laga daawaday dunida oo dhan.
Haddaba, shaqaalaha ka hawl gala Dalkaasi Japan ayaa waxay u shaqo tageen dagaalyahanada Ninja kaasoo ay astaan u tahay in afka la xidho waxaana laga xusaa Dalka Japan “Maalinta dagaalyanada Ninja”.
Mid ka mid ah shaqaalaha ku labistay labiskaasi isla markaana si aad ah u xiisanaya inuu ka qayb galo xaflada ballaadhan ee Ninja oo la yidhaahdo Tatsuya Makino ayaa wareysi ay la yeelatay Shabakada RT waxa uu ku yidhi “Waxa anaga noo muhiim ah maalintan waxaana lagu xusuustaa soo ururinta taariikhdii ay lahaayeen dagaalyahandii Ninja”.
Dawlada Dalka Japan ayaan ku soo darin maalinta maalmaha fasaxa ah balse dad badan oo xiisaynayaa maalintaasi ayaa waxa ay tagaan labada goobood ee Ijaw iyo Koga si ay uga qayb galaan xaflada Ninja.