Gabadh Dhashay 69 Carruura Oo Geeriyootay Iyada Oo 40 Jir Ah !
Gaza 02. March 2017 (SDN/QJ):- Haweenay u dhalatay Dalka Falastiin ayaa waxay dhashay 69 carruur sida uu warbaahinta u sheegay Ninkeeda oo qariyay magaciisa waxaanay gabadhani ku noolayda magaalada Gaza ee Dalka Falastiin, waxaanay geeriyootay maalintii Axadii ee toddobaadkii hore.
Warbixintan oo Wargeyska Himilo ka soo xigtay shabakada Gaza Al’aan ayaa waxay sheegtay in gabadhan ninkeedii uu ka codsaday in aan la shaacin magacyadooda waxaana la sheegay in haweenaydani ay 16 jeer dhashay min laba mattaano ah, toddoba jeerna ay dhashay min saddex mattaano halka ay afar jeerna dhashay min afar mattaano.
Gabadhan ayaa sidaa ku noqotay gabadhii ugu dhalmada badnayd ee soo marta Gaza, waana arrin aan inta badan dhicin waxaanay ka mid tahay nimcooyinka ina tusinaya awoodaha Ilaahay ee kala duwam isla markaana ay haboontahay in aynu ku tusaale qaadano .