|

“Wasiir Cadaaniyoow Munaafiqadda Iskadda, Habeenkiina Xisbi Baad Tahay Maalintii na Xisbi Kale.”.Xoghayaha Caddaaladda ee Waddani DAAWO

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):-Xoghayaha cadaaladda Xisbiga WADDANI Md.Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, ayaa si adag uga hadlay hadalo deel-qaaf oo ka soo yeedhay wasiirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyi-gelinta Somaliland oo hadalo been abuur ah ku soo eedeeyey Xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in wasiirka warfaafintu uu yahay munaafaq aan la garaneyn cidda uu taageersan yahay isaga oo xusay in habeenkiina uu Xisbi gaar yahay halka maalintii na uu Xisbi kale isku soo sawiro.

Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, waxa sida oo kale uu ka hadlay arrinta saldhiga Berbera oo u usheegay in aanay ahayn mid sharci ah isla mar ahaantaana aanay ka xisbi ahaan marnaba aqbali doonin wax qaranka hagar daamo ku ah, waxaana uu tibaaxay in wasiiro ka tirsan Xukuumaddu ay xidhiidh la lee yihiin dawladda Somaliya.

Comments are closed