Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mr Caddaani oo Eedaymo Xoogan u Soo Jeediyey Xisbiga Waddani,Kana Hadlay Mudaharaadka London & Mudo Kordhinta Xukuumadda DAAWO
Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigalinta Somaliland Md, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa waxa uu kaga hadlay dhawr arimood oo ay ka mid tahay mudaharaadka Maalinta Beri ah la Filayo inuu Ka Dhaco Magaaladda London Isla Markaana Qaar Qaybo ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ay Ku Soo Bandhigayaan Sida ay u Diidan Yihiin Saldhiga Mileteri ee Somaliland Ka siinayso Dawlada Imaaraadka Magaalada Berbera.