|

Aamina Maxamed oo loo doortay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

New York 01. March 2017 (SDN/QJ):-Aamina Maxamed oo ah Haweeney muslimad ah oo u dhalatay dalka Nigerian ah ayaa si buuxda ula wareegtay xilka ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

 

Marwo Aamina ayaa hore u ahayd madaxii qaramada midoobay u qaabilsana dhinaca barnaamijyada horumarinta, waxayna soo noqotay mar wasiirka degaanka ee dalka Nigeria.

 

Da’deedu waa 55 sanno jir waxaana ay ilaa sannadkii 1991 kii ku soo dhex jirtay hawlaha bini’aadminimada.

 

Inkastoo ay ku kortay kuna barbaartay dalka Nigeria, haddana Aabaheed waa Ingiriis, waxay wax ku baratay Jaamacadaha Oxford iyo Harvard.

Antonio Guterres Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay inuu aad ugu farxay in Aamina oo ay soo wada shaqeeyeen ay u noqoto ku-xigeen, uuna rajaynayo iney howl wanaagsan isla qabtaan.

 

Waxaa loo xilkan loo magacaabay Aamina Moxamed dabayaqaadii sanadkii hore hase ahaatee shalay galab ayey si buuxda ula wareegtay.

Comments are closed