Xeelad Cusub Oo Loo Tahriibiyo Dhallinyarada Hargaysa, Halka La Mariyo + Ciidanka Booliska Oo Gacmaha Ka Laabtay Waxka Qabashadeeda
Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):-Waxaa Maalinba maalinta ka dambaysa sii siyaadaya nidaamka iyo qorshaha lagu tahriibinayo da,yarta ubaxa u ah waddanka somaliland waxaana magaaladda hargaysa dhexdeeda ka shaqeeya goobo fara-badan oo mudooyinkii ugu dambeeyay soo badanayay kuwaas oo boodhkooda ku xardha “travel agency” waxaanay dhallinyaradda u sheegayaan in ay si fudud ku gaynayaan Turkiga iyo taliyaaniga iyo meelo kale oo yurub iyo maraykanka ah.
Dhalinyartan ayaa waxaa laga qaadaa lacag gaadhaysa haddii uu turkiga tagayo 9,000 taas oo lagu sheego fiise.
Dhinaca kale waxyaabaha ugu la yaabka badan ayaa ah in qofka la tahriibiyo la tusayo baasaabooro farabadan kuwaas oo bac wayn iyo shandad laga soo faqayo.
Ciidanka booliska somaliland ayaa ku guuldaraystay wax ka qabashadda arrinkan waxaanay kooxdani inta badan shaqadani dhex wadaan shaqooyin ganacsi oo kale.
Geesta kale marka inta lacagta awooda lagu tahriibiyo nidaamkan ayaa intii aan waxba haysana laga tahriibiyaa dhanka liibiya.
Xukumadda gaar ahaan ciidanka booliska ayaa looga fadhiyaa in ay wax ka qabashada arrinkani hoos u eegaan.