|

Magacyada Xildhibaanno Maayerro ku Jiraan oo UCID Dacwad ka Gudbiyey & Liiska Xubno uu Dalbaday in loogu Beddelo

Hargaysa 01. March 2017 (SDN/QJ):- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa soo bandhigay Magacyada Lix Xildhibaan oo Golayaasha deegaanka magaalooyinka dalka ka tirsan, kana mid ah Mudanayaasha UCID ka soo baxay oo ku biiray Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye oo Maayerro ku jiraan Dacwaddooda u gudbiyey Guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale Magacyada lix Xubnihii ku soo xigay ah doorashada oo uu Komishanka ka dalbaday in loogu beddelo Xildhibaannada ka baxay.

Xisbiga UCID, ayaa dhawaan isaga oo ku doodaya Shuruucda dalka u degsan iyo waxay ka qabaan Xildhibaan Xisbi laga soo doortay oo Cod Xisbi ku fadhiyaa haddii uu ka baxo oo uu Xisbi kale ku biiro iyo caddaymaha hadalladooda.

Xoghayaha Saxaafadda Xisbiga UCID Yuusuf Kayse, ayaa Warbaahinta qaarkeed la hadlay oo u sheegay inay shalay Guddiga doorashooyinka u gudbiyeen Muuqaallo ay ka hadlayaan Xildhibaannada uu sheegay inay ka baxeen UCID, kuwaas oo muujiyana hadalladooda ay ku sheegayaan inay ka baxeen UCID, isla markaana ku biireen Xisbiga Kulmiye, waxaanu soo bandhigay Magacyada lixdaas Xildhibaan oo ay ku jiraan Maayerrada magaalooyinka Berbera iyo Gabiley.

 

“Saaka (shalay subax) waxaannu u tagnay Guddiga doorashooyinka Qaranka, waxaanannu u gudbinnay Muuqaallada ay kaga hadleen Lixdaa Xildhibaan ee aannu beddelnay kaga hadleen Xafladdii Xisbiga Kulmiye, isla markaana ay ku caddeeyeen inay kaga baxeen Xisbiga UCID oo ay ku biireen Xisbiga Kulmiye. Feedyawyadaas ayaannu mid mid ugu wareejinnay Komishanka. Markaa, Annaga wax nagu hadhay ma jiro, ee arrintu waxay u taallaa Komishanka doorashoyinka Qaranka mar haddii aannu Caddaymihii, Xeerarkii iyo Shuruucdii dalka ee ay jebiyeenba aannu u gudbinnay, Annaga Guddi ahaan iyo Xisbi ahaan-ba wax nagu hadhay ma jiraan ee Komishanka ayey u taallaa arrintaasi.” Sidaa ayuu yidhi Yuusuf Kayse.

 

Yuusuf Kayse waxa uu sheegay in aad indhaha loogu hayo go’aanka ay Guddiga doorashooyinku ka qaadan doonaan arrimaha Sharci ee ay Xisbi UCID ahaan u gudbiyeen, waxaanu ugu baaqay inay go’aanka Dacwaddaas UCID u gudbiyey dedejiyaan oo ay dhaqso ugu dhawaaqaan, si ay Xubnaha ay ku beddeleen Xildhibaannada ka baxayna ay Shaqadooda u qabsadaan.

 

Waxa uu Yuusuf Kayse sheegay magacyada Lixda Xildhibaan ee sheeay inay ka baxeeen iyo lixda Xubnood ee doorashadii ku soo xigay ee ay ku beddelayaan ee ay Guddiga doorashada Magacyadooda u wada gudbiyeen, waxaanu yidhi; “Lixda Xubnood ee aannu beddelayno waxaa koow ka ah; 1- Cabdishakuur Maxamed Xasan Maxamed oo lambarkiisu ahaa 201 oo degmada Berbera ahaa (Maayerka Berbera), 2- Iid Saleebaan Cali Guure oo Lambarkiisu ahaa 221 oo degmada Berbera ah, 3- Maxamed-amiin Cumar Cabdi 201 ahaa, degmada Gabiley, isla markaana ah Maayerka Gabiley, 4- Mahdi Maxamed Xaashi Jaamac oo lambarkiisu ahaa 203 degmada Gabiley, 5- Maxamed Aw Aadan Wayrax Geelle oo lambarkiisu ahaa 2010 degmada Hargeysa, 6- Ibraahin Axmed Faarax degmada Ceerigaabo.”

 

Yuusuf Kayse oo sidoo kale sharraxaya Lixda Xubnood ee beddelka Xubnaha ka baxay ay ugu gudbiyeen Guddiga doorashooyinka Somaliland, waxa uu yidhi; “Lixda Sharcigu siiyey beddelkooda ee aannu ku beddelaynaa waxay kala yihiin; 1- Mustafe Xasan Cismaan Faas oo lambarkiisu ahaa 204 degmada Berbera, 2- Axmed Muumin Ayaanle Sahal oo lambarkiisu ahaa 208 degmada Berbera, 3- Cumar Muuse Caalin oo lambarkiisu ahaa 205 degmada Gabiley oo Maayerka Gabiley lagu beddelayo, 4- Khadar Aadan Aw Muuse oo lambarkiisu ahaa 219 degmada Gabilay, 5- Jimcaale Maxamed Ciise Cadduur oo lambarkiisu ahaa 201 degmada Hargeysa oo lagu beddelayo Xubinta Hargeysa, 6- Axmed Maxamed Xasan oo lambarkiisu ahaa 219 degmada Ceerigaabo.”

Comments are closed