Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre oo Maanta Baarlamaanka la horgeenayo iyo Waxgarad baaq u diray Baarlamaanka
Muqdisho 01. March 2017 (SDN/QJ):- Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in Maanta la horgeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay codka kalsoonida ugu qaadaan.
Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa aad u taageersan siyaasada R/Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxaana la filayaa in si buuxda u siiyaan codka kalsoonida marka uu Madaxweynaha horkeeno.
Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Muqdisho ku qabtay kulan lagu tagaeerayay Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka in ay siiyaan codka kalsoonida.
Ugaas Cabdi Daahir oo kamid ah Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa sheegey in ay Garab taagan yihiin Madaxweynaha iyo Raiisul wasaaraha ,wuxuuna ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka in ay si deg deg Codka Kalsoonida u siiyaan Raiisul wasaaraha
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa aa filayaa in maanta la horgeeyo R/Wasaaraha Soomaaliya , waxaana la saadaalinayaa in ay si aqlabiyad leh Baarlamaanka u meel marin doonaan Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uu dhawaan soo magacaabay Madxaweyne Farmaajo.