|

China: Tirada Ardeyda Qudha Iska Jara Oo Aad U Sii Kordheysa !

China 28. February 2017 (SDN/QJ):- Bisha aynu ku jirno gudaheeda waxa magaalada Hong Kong ee Dalka China isku dilay shan arday oo wax ka baran jiray dugsiyada magaaladaasi, dhammaan ardaydaasi naftooda gooyey waxay waalidiintooda usii qoreen farriin ah “Aabo iyo Hooyo waan ka xumahay nolasha kuma faraxsani”.

 

Sidoo kale ardayda wax ka barata Dugsiyada Dalkaasi ayaa had iyo jeer aad uga cawda imtixaanaadka laga qaado waxa aanay arrintaasi sabab u noqotaa in ilmihii yaraa ee wax baranayay uu nolasha naco maadaama oo uu ku guuleysan waayey oo uu noqday mid aan qiimo lahayn. xukuumada Dalka China ayaa wallaac aad u weyn ka qabta korodhka tirada Dilalka noocan ah, iyada oo la sheegay in arrintan oo kale hore Dunida loogu arag.

Comments are closed