Layaab: Lacag Ka Yar $100 Oo La Siiyey Haweenayda Fulisay Dilka Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Walaalkii !
Malesiya 28. February 2017 (SDN/QJ):- Dilkii lagula kacay Kim Jong Nam oo ay xagga Aabo ka walaalo ahaayeen Madaxweynaha Dalka Kuuriyada waqooyi oo ay si layaab badan u fuliyeen laba dumar ah oo midkood ay ka soo jeeday Dalka Indonesia oo la yidhaahdo Siti Aisha oo haatan gacanta ugu jirta ciidammada Dalka Malesia.
Warbaahinta Dalka Britain ayaa shaacisay xogo sheegaya in haweenayda Siti Aisha ay dilkaasi ku fulisay lacag ah sagaashan dollar oo kaliya, sida lagu soo bandhigay Shabakada wararka ee Al-arabiya, haweenayda fulisay dilkan ayaa sheegtay in ay qiimahaasi qaadatay, balse aanay moodayn in ay wax dilayso markii ay heshiiskaasi ogolaanaysay waxaanay sheegtay in loo sheegay in arrintani tahay kaftan isla markaana ay saliid carruurta wajiga loo mariyo marinayso wajiga Kim Jong Nam, balse intaasi kadib ayaa la ogaaday in loo adeegsaday Sun aad u xun oo ku kaliftay Xukuumada Maleisa in ay ku qaado madaarkaasi olole aad u weyn oo ay kaga baa’biinayaan suntan loo adeegsaday Dilka Kim si aanay dadka socdaalka ah u waxyeelayn, sidoo kale ciidammada gacanta ku haya Siti Aisha ayaa sheegay in Suntii ay ku muday Kim aanay waxba yeelin iyada oo ay caafimaad qabto.