Wiil Uu Dhalay Feedhyahan Mohamed Ali Clay Oo Lagu Qabsaday Madaarada Maraykanka, Sababo La Xidhiidha Diinta Islaamka!
Florida 27. February 2017 (SDN/QJ):- Wiil uu dhalay feedhyahankii caanka ahaa ee Mohamed Ali Clay oo la yidhaahdo Mohamed Ali Jr ayaa lagu qabtay mid ka mid ah madaarada gobolka Florida, waxaana halkaasi lagu haystay muddo laba saacadood kadib markii ay isaga iyo hooyadii ka soo noqdeen Dalka Jamaica oo ay fasax ku tageen.
Afhayeenka Mohamed Ali Jr oo magaciisa la yidhaahdo Chris Mancini oo la hadlay warbaahinta Dalka Maraykanka ayaa waxa uu sheegay in la qabsaday Mohamed Ali Jr sababtuna ay ahayd Islaamnimadiisa, Mohamed Ali Jr oo Da’diisu tahay 44jir ayaa ah wiilka kaliya ee uu dhalay Mohamed Ali Clay waxaana dhashay gabadhii ugu horreysay ee uu guursaday Feedhyahankaasi sanadkii 1967kii oo la yidhaa Khalilah Ali, sida Wargeyska Himilo ka soo xigtay Shabakada wararka ee Al-arabiya.
Dhinaca kale, Ciidammada wareysiga la yeeshay Mohamed Ali Jr ayaa la sheegay inay sii daayeen hooyadii oo ay wada socdeen, Laakiin Wiilka waxay geeyeen qol yar isla markaana waxay weydiiyeen halka uu ka keenay magaca ugu qoran Passport-kiisa ee ah Mohamed iyaga oo laba jeer weydiiyey ma waxaad tahay Muslim?.