|

Wasiir Sare oo Ka Tirsanaa Xukuumadii Obama Oo Bil Gudaheed Shaqo Ku Helay!

Washington 26. February 2017 (SDN/QJ):- John Kerry oo ahaa wasiirkii arrimaha Debadda ee Dalka Maraykanka xilligii Madaxweyne Obama ayaa waxa uu muddo bil ah ku joogay shaqa la’aan kadib markii uu Madaxwayne Trump ku guuleystay Madaxtinimada Dalkaasi.

 

John Kerry oo haatan da’diisu tahay 73 jir ayaa waxa uu shaqa macalinnimo ah uu ka helay Jaamacada Yale, sidoo kalena waxa uu soo bandhigi doona barnaamij uu ugu magac daray Kerry Initiative oo uu ugu talo galay inuu kaga hadlo waxyaalaha kala duwan ee ka taagan Caalamka, waxaana xusid mudan in Kerry oo ka qalin jabiyay jaamacada Yale gaar ahaan Kulliyada Arts-ka iyo Cilmiga Siyaasadda sanadkii 1966kii oo haatan laga joogo 51 sanadood.

Comments are closed