|

SALDHIGGA BERBERA: CADDAANI Iyo CIRRO Oo Fagaare Isku Waydaarsaday Hadallo Weerar & Weerar Celis Ah

Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani) iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa si fool ka fool ah isku waydaarsaday hadallo Weerar iyo weerar celis ah, ka dib markii ay si wada jir ah uga qayb-galeen Munaasibad Hargeysa lagu qabtay.

Wasiirka Warfaafinta, oo sidoo kalena ah Afhayeenka Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegay in Heshiiska Saldhigga Milletari ee Imaaraadku yahay Sharci, maaddaama oo ay Cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Somaliland, laakiin Guddoomiyaha WADDANI oo hadalkaasi ka jawaabaya ayaa sheegay in aan Golaha la keenin wax heshiis ah oo dhex maray Somaliland iyo Imaaraadka.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani) oo hadalka ku hor-maray, ayaa yidhi, “Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland kama dhageysanayaan Xamar, ha noqdo Madaxweyne ama ha noqdo Nin kale oo doonaya in aanay Somaliland jirine Arrimahaa la gaadhay ee Baarlamaanku ansixiyey (Saldhigga Berbera).”

Wasiir Caddaani oo si toos ah ula hadlay Guddoomiye Cirro oo madasha fadhiyey, ayaa yidhi, “Guddoomiyihii Golaha Wakiilladaa fadhiya oo aan Ixtiraam u hayo, laakiin waxaan u sheegayaa in Golaha Wakiillada ee uu Guddoomiyaha ka yahay iyo Golaha Guurtidu aqlabiyad bay ku meel-mariyeen Heshiiskii uu Madaxweynuhu hor-keenay, markaa Saldhigga Berbera waa Sharci, Waayo? waxa ansixiyey Golaha Baarlamaanka ee Cabdiraxmaan-Cirro, oo Rag Xisbigiisa ku jiraa Ansixiyeen weeyaan, markaa waxaanu leenahay Saldhigga Berbera wax Horumar u ah Somaliland.”

Laakiin, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo isaguna markaasi ka dib Makarafoonka qabsaday, ayaa isagoo ka jawaabaya hadallada Wasiir Caddaani wuxuu yidhi, “Wixii Golaha la keenay Heshiis muu ahayn. Xukuumadda Dastuurkaa Awood u siiyey inay heshiis gasho, laakiin Xukuumaddu markay Heshiiska soo gasho ayay keenaysaa Golaha, ka hor maaha.

Annagu maanu odhanin Xukuumaddu heshiis ma geli karto, Waayo? Somaliland waa Qaran oo Heshiis way geli kartaa, laakiin waxa la doonayaa in dariiqii Saxa ahaa la mariyo.”

Guddoomiye Cirro, waxa kale oo uu sheegay, “Anigu Shaqsiyan, Anigoo Muwaadin ah uma Arko Saldhiggaasi inuu faa’iido u leeyahay Somaliland.”ayuu yidhi.

Comments are closed