“Odaygaa (Siilaanyo) Ee aynu ognahay duruufta Maanta ku xeeran, Waar dhibta ka daaya..” Sheekh Aadan-Siiro + DAAWO
Hargaysa 25. February 2017 (SDN/QJ):-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka hadlay Xaaladda Adag ee Maanta Somaliland marayso.
Sheekhu wuxuu Xukuumadda ku canaantay Xadhigga Agaasimaha Telefiishanka Star Maxamed Baashe Xaaji Xasan, kaasi oo Toddobaadkii hore Xukuumaddu xidhay, iyadoo lagu eedeeyay inuu ka soo horjeedo Saldhigga Dawladda Imaaraadka Carabtu ka samaysanayso Magaalada Berbera.