Mid kamid ah Musharaxiintii la tartantay Farmaajo oo Saadaaliyey in uu noqdo R/Wasaaraha Somalia
Muqdisho 20. February 2017 (SDN/QJ):-Dr C/naasir Cabdule Maxamed oo kamid ahaa Musharixiintii tartanka u galay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya , ayaa kamid ah shakhsiyaad dhoor ah oo loo saadaalinayo in loo magacaabayo xilka Ra’isul
Xilka Raisul Wasaaraha Cusub ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loolan xoogan ugu jira Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Hawiye , waxaana Musharaxiinta xilkan loo saadaalinayo afka hore uga jira Dr C/naasir Cabdule.
Dr C/naasir Cabdule Maxamed waa aqoon yahan bartay Cilmiga siyaasadda, Wuxuu Degree ka diyaariyay kuliyada Political science (Cilmiga siyaasada) jaamacada North Carolina ee dalka Mareykanka.
Siyaasigan ayaa ah nin ka madax banaan ururada kala duwan ee dalka ka jira, mudadii uu burburka dalka ka jiray, waxa uu ku sugnaa dalka dibadiisa, Wuxuu Xiriir Joogto ah la lahaa dalkiisa hooyo ee Soomaaliya isagoo markasta imaan jirey waxbadan oo samafal ahna wax ka qabtay.
Dr C/naasir Cabdule Jaamac uu shaqsi haysta dhaqaalo ku filan, waxa uuna madax ka yahay goobo badan oo caafimaad oo ku yaala Gobolka North Caroline ee dalka Mareykanka, waana nin ku caan baxay taageerida dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa danta yar.
Waxa uu balan qaaday hadii uu xilka Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya loo magacabao Dr C/naasir Cabdule Jaamac in uu wax qaban doono colaada ka jira gobolada dalka Soomaliya, islamarkaana uuka shaqeyn doono nabadeynta iyo wada noolaanshiyaha
Dr C/naasir Cabdule Jaamac Maxamed ayaa ah shakhsi aqoon durugsan u leh lana shaqeyn kara Madaxweynaynaha Madaxweynaha Soomaaliya, waana aqoonyahan si weyn u yaqaana dowladnimada kana fog muranka iyo qilaafka siyaasada.
Siyaasiga Dr C/naasir Cabdule Maxamed ayaa ah shaqsi aad u dagan islamarkaana afgaaban dadkana aan ku xadgubin, sidoo kale waa shaqsi aan qabylaadu madax marin umada Soomaaliyeedna ay u wada siman tahay.
Aqoonyahanada Soomaaliyeed ayaana ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo in xilka Ra’isu Wasarahaa Soomalaiya usoo xusho Dr C/naasir Cabdule Maxamed oo ay aaminsan yihin in uu yahay nin la shaqeyn kara Madaxweynaha wax badana ka qaban kara xaalada siyaasadeed ee hada dalka ka jirta.