|

Duuliye Diyaaradeed Oo Caga Dhigtay Mid Ka Mid Ah Waddooyinka Dalka Kazakhstan!

Kazakhstan 20. February 2017 (SDN/QJ):-Sida aynu wada ognahay had iyo jeer Diyaaraduhu waxay caga dhigtaan oo kaliya goobaha loogu tala galay ee ah Madaarada, balse arrin aad u layaab badan ayaa ka dhacday Dalka Kazakhstan kadib markii uu nin Duuliye ka ahaa Diyaarad nooca Dagaalka ah uu caga dhigtay mid ka mid ah waddooyinka tuulada Karabutak ee Dalkaasi Kazakhstan, intaasi kadibna waxa uu mid ka mid ah Dirawaladii watay baabuurta ee marayay waddadaasi uu weydiiyay dhinaca ay waddooyinka u socdaan iyo sidoo kale jihooyinka ay waddooyinku ku jihaysanyihiin, intaasi kadibna waxa uu Ninkii duuliyaha ahaa dib ugu noqday Diyaaradii uu waday isaga oo dib uga duulay goobtii uu marka hore caga dhigtay.

Arrinta aadka u layaabka badan ayaa noqotay in ninkani markii uu soo caga dhigtay waddadaasi uu inta uu ka degay Diyaarada uu daba orday baabuur waddada marayay si uu ugu tilmaamo meeshii uu bahnaa, waxaana arrin is weydiin leh noqotay sababta ninkan ku kaliftay arrintaasi oo aan ilaa iyo haatan la garanayan sida uu Wargeyska Himilo ka soo xigtay jarriidada Daily Mail.

Comments are closed