|

Madaxweynaha Somalia oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirkii ugu horeeyey ee ajnabi ah (Daawo Sawirro)

Muqdisho 18. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Ingariiska u soo magacowday Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo safiirka cusub ee dowladda Ingiriiska ayaa wada qaatay kulan, waxayna ka wada hadleen xiriirka labada dowladooda iyo sii ambaqaadidda wada shaqeyn ka dhaxeya.

Sidoo kale waxaa laga hadlay taageerada Ingariiska Soomaaliya uu siiyo ee dhinacyada amniga, ciidanka, dhaqaalaha iyo midka siyaasadda, Madaxweynaha ayaana uga mahadceliyey arrimahaasi.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Cali Kadiye, ayaa sheegay in Soomaaliyo iyo Ingariiska uu ka dhaxeeyo xiriir weyn oo dhan walba leh, isla markaana ay hadda sii wadi doonaan iskaashiga ku saleysan diblomaasiyadda iyo taageerada looga baahan yahay.

David William Concar Safiirka cusub ee dowladda Ingariiska, ayaa sheegay in kulanka isaga iyo madaxweynaha ay isku soo qaadeen in si dhab ah loo xoojiyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya ay siiyaan, dhowaanna la qaban doono shir looga hadlayo siyaasadda Soomaaliya.

“Maanta, waxaa la iga guddoomay anigoo ah safiirka Uk ee Soomaaliya warqadaha, taasna waxa ay daliil u tahay taageerada ballaaran ee aan Soomaaliya u heynno, Madaxweynaha waxaan ka wada hadalnay amniga iyo sida ay muhiim u tahay in laga wada shaqeeyo, waxaa xusid mudan in aan si qiiro leh uga hadalnay madaxwyenaha abaaraha ka jira Soomaaliya oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto, taasna waan ka wada shaqeyn doonnaa, waxaa jira shir weyn oo siyaasadda Soomaaliya looga hadlayo oo ka dhici doona bisha May magaalada London, wax badan ayuu tari doona shirkaas, Soomaaliya waxaa ka muuqda horumar weyn oo aan ku wada faraxsanahay” ayuu yiri safiirka dowladda Ingariiska ee Soomaaliya David William Concar.

Safiirka dowladda Ingariiska Danjire David William Concar ayaa noqday safiirkii ugu horreeyey ee uu madaxweynaha J.F. S mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomo tan iyo intii uu xilka la wareegay maalmo ka hor.

Comments are closed