|

Siyaasi Abdirahman Hussein Adow oo laga yaabo in loo magacabao xilka R/Wasaaraha Somalia

Muqdisho 18. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Jamhuuriyda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa ku hoolan wadatashiyo ku aadan cida uu usoo xulan doono xilka Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya.

Xilka R/Wasaaraha Soomaaliya waxaa hada loolan xoogan ugu jira siyaasiyiin hore iyo kuwa cusub oo kasoo jeeda qabiilada beesha Hawiye, waxaana xubnahan u sharaxan xilka qabashada R/Wasaaraha Soomaaliya laga yaabaa in midkood uu soo xusho Madaxweynaha wadatashi kadib.

Siyaasiyiinta la saadaalinayo in loo magacaabi karo R/Wasaaraha waxaa kamid ah Siyaasiga C/Raxmaan Xuseen Cadow oo kamid ah Siyaasiyiinta kasoo jeeda Hirshabelle, waxa uuna yahay Siyaasi aad ugu dhaw Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah Ugaasyada gobolka Hiiraan.

Mr C/Raxmaan Xuseen Cadow ayaa horey isugu soo sharaxay xilka Madaxweynaha maamulka Hirshabelle inkastoo markii dambe uu ku qanci waayay sidii dowladii horey u waday dhismaha maamulka Hirshabelle.

Waxa uuna ku eedeeyay xiligaasi dowladii hore in ay faragalin qaawan ku heysay dhismaha Maamulka Hirshabelle ayna kasoo horjeeday in dhismaha maamulka Hirshabelle loo madax banaaneeyo dadka dega labada gobol, waxa uuna go’aansaday in uusan u tartamin Madaxweynaha Hirshabelle.

Dadka yaqaana Siyaasigan ayaa tilmaamay in uu yahay nin mudan xilka R/Wasaaraha Soomaaliya kana soo bixi karo xilkaasi hadii loo igmado, waxaana siyaasigan uu yahay nin dhalinyaro ah oo horey uga soo shaqeeyay arimaha bulshada wax badana horey usoo qabtay.

Siyaasiga C/Raxmaan Xuseen Cadow ayaa dadka yaqaan waxa ay ku sifeeyeen in uu yahay

1.Aqoon yahan arragti leh

2. Siyaasi Isbedel doon

3. Waxbadan ka soo shaqeeyay Arrimaha bulshada sida isbitaalada, schoolada, ceelasha biyaha iyo dib u-heshiisiino.

4. Waa nin dhalin yaro ah oo lacag doon aheyn

5. Waa nin kasban kara wada shaqeynta Shacabka Soomaaliyeed

6. Waa nin Bulshada ku dhex jira oo aan iskala weyneyn

7. Waa nin wadani ah aadna uga soo horjeeda Faregelinta lagu hayo Soomaaliya.

8. Waa nin aaminsan in Soomaaliya kaalmo dibada ah u baahneyn haddey hesho hoggaamiye toosan oo arragti fog iyo mid dhawba leh.

Comments are closed