Soomaaliya Oo Sheegtay In Lagu Wareejinayo Maamulka Hawada Ee Ka Dhexeeya Somaliland DAAWO
Canada 17. February 2017 (QJ):- Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Cali Axmed Jaamac (Jangali), ayaa sheegay in dhowaan adeegga maamulka hawada Soomaliya loo soo wareejin doono gudaha dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa ku sugan magaalada Montreal ee waddanka Canada, halkaas oo uu kaga qayb galayo kulan laba maalmood soconaya oo ay leeyihiin masuuliyiinta adeegga duulista caalamiga ah oo ka kala socda waddamo gaadhaya ilaa 36.
Jangali ayaa sheegay in la diyaariyey dhamaan qalabka ay u baahan yihiin in howsha ay si rasmi ah ula wareegaan, balse ay jiraan howlo yar yar oo wali hadhsan.