Madaxweynaha Cusub ee Somalia oo Soo Saaray Digreetadii u Horaysay ee Mas’uul uu Magacaabo
Muqdisho 17. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shalay si buuxda xilka ula wareegay ayaa Niskii Danbe ee Xalay magacaabay xilalkii ugu horeeyey ee saraakiisha ka howlgaleysa Madaxtooyada.
Farmaajo ayaa Agaasimaha KMG ah ee madaxtooyada u magacaabay Safiirka Somalia u fadhiya Midowga Yurub iyo Belgium Dr. Cali Siciid Fiqi kaasoo ka mid ahaa howlwadeenada Farmaajo kala qeyb qaatay ololihiisa doorashada.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo la taliyihiisa dhinaca Amniga Qaranka u magacaabay Xuseen Macalin Maxamuud oo dowladii Xasan Shiikh ka ahaa Xoghayaha Guddiga Amniga Qaranka.
Xuseen oo horey u soo noqday la taliyaha dhinaca amniga ee Madaxweynayaashii ka horeeyey Farmaajo ayaa sidoo kale ah sarkaal ka tirsan heyadda nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed, waana nin heysta dhalashada dalka Britain.
Xubnaha kale ee uu Madaxweynuhu isla maanta magacaabay waxaa ka mid ah Madaxa Hab maamuuska Madaxtooyada (Borotokoolka) oo loo magacaabay Siyaad Maxamuud Shire Qunsulkii Somalia u joogay magaaladda Jeddah ee dalka Sacuudiga horeyna u ahaa qunsulka safaarada Somalia ee Nairobi.
Farmaajo ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu maalmaha soo socda magacaabo masuuliyiin cusub oo ka howlgeli doona waaxyaha madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha cusub ayaa waxaa horyaalla howlo culus oo wejiyo kala duwan leh, kuwaasoo ay ugu horeeyaan, magabaacida raisul wasaare cusub, dhismaha xukuumada, la dagaalanka musuqa hareeyey heyadaha dowlada, sugida amaanka iyo xoojinta hanaanka dowladnimo ee Somalia.