|

Xasan Sheekh oo maanta Faaruqiyey Xaruntii Villa Somalia iyo Labo Waddan Midkood uu u safri doono Wixii Maanta Ka Danbeeya

Muqdisho 16. February 2017 (SDN/QJ):-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in si rasmi ah xilka ugu wareejiyo Madaxweynaha cusub Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo 8-dii bishan loo doortay Madaxweyne.

Qaban qaabada Munaasabada xil wareejinta Madaxweynaha ayaa xiligan ka socota xarunta Villa Soomaaliya, waxaana la filayaa in munaasabada ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynihii hore iyo Madaxweynaha cusub ay kasoo qeyb galaan masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah ula wareegaya xarunta Madaxtooyada Soomaaliya halkaas uu ka shaqo bilaabi doono, waxaa sidoo kale shaqada villa Soomaaliya baneen doona qaar badan oo kamid ah agaasimayaashii iyo dadkii kale ee lasoo shaqeeyay Xasan Sheekh.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh marka uu xilka wareejiyo kadib uu qorsheenayo in uu dalka ka dhoofo, waxaana Madaxweynaha uu aadi doonaa labo wadan midkood oo kala ah Dalalka Turkiga iyo Tanzaaniya .

Qoysaska Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lasoo sheegayaa in ay hada joogaan dalalka Tanzaaniya iyo Turkiga, waxaana la filayaa in maalmaha soo aadan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya uu labadaasi wadan midkood uu aado.

Xasan Sheekh Maxamuiud ayaa la filayaa in uu bilooyin kusoo nastod alka dibadiisa kadibna uu dalka dib ugu soo laabto, isagoona kamid noqon doona Baarlamaanka Soomaaliya sida uu qorayo dastuurka dalka.

Comments are closed