Xukuumadda Somaliland oo Shaacisay in Shirkada DPW ay Si Rasmi ah Ula Wareegayso Dekedda Berbera + Shaqaalihii Dekeda oo Xuquuqdoodii la Siinayo & Dareenka Jira DAAWO
Berbera 16. February 2017 (SDN/QJ):-Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiiradda,Maamulka Gobolka Saaxil Iyo Ka Degmada Berbera oo Shir Jaraa’id Ku Qabtay Magaaladda Berbera ayaa Shaaca Ka Qaaday in Xukuumaddu Bixinayo Xaq Iyo Xuquuqdii ay Ku Lahaayeen Qaranka Somaliland Shaqaalaha ka Shaqeeya Dekeda Berbera Isla Markaana Xusay in 1-da Bisha Soo Socota ee March si Buuxda Dekeda Berbera Loogu Wareejin doono Shirkada DPW oo Maamuli doonta Marsadaasi Mudo dhan 30 Sanno.
Geesta Kale Shaqaalaha Dekeda Berbera ayaa lagu soo waramayaa inay Dareen Sas ah ka Muujiyeen dalabkan Xukuumadda ee Xuquuq siintooda oo ay Sheegeen in Qorshuhu yahay Sidii Shaqada dekeda bannaanka looga dhigi lahaa,Warku Wuxuu Intaas ku darayaa in Guux weyn uu ka dhashay magaaladda Berbera oo haatan ku Jirta Duruufo Siyaasadeed Isla markaana ay Bulshada Magaaladaasi Guud ahaan ka soo hor jeedo Wareejinta Dekeda Berbera iyo Saldhiga Mileteri ee Isla Imaaraadka laga siinayo Madaarka Berbera.