Mid Ka Mid ah Dhacdooyinka Sannadkan 2017 Iyo Labo Weriye oo la toogtay iyaga oo Tabin toos ah ka waday Idaacad
San Pedro 16. February 2017 (SDN/QJ):- Labo Wariye oo tabin toos ah ka waday Idaacad ku taala magaalada San Pedro de Macoris ee Dominica ayaa la toogtay kadib markii kooxo hubeesan ay gudaha ugu soo galeen Idaacadii ay ka howlgalayeen.
Mid kamid ah Wariyaasha la dilay ayaa xiligaasi barnaamij ka aqrinayay Raadiyaha waxaana si toos ah looga daawanayay barta Facebook, waxaana muuqaalka laga dhax maqlayay rasaasta oo dhaceysa iyo haweeney qeylineysa.
Toogashada loo geestay Labadan Wariye ayaa ka dhacday magaalada San Pedro de Macoris, ee ku taalla bariga magaalada caasimadda ah ee Santo Domingo, dhacadan ayaana booliiska waxa ay u xireen sadex nin oo lagu tuhmayo in dilkan ay ka dambeeyeen.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dominica, Jean Rodriguez ayaa sheegay in ciidanka booliiska ay wadaan baaritaano ayna ogaanayaan sababta keentay dilka, waxa uuna intaa raaciyay in kiiskan si cadaalad ah loo baari doono iyada oo runta lagu saleenayo.
Wariyaasha la toogtay iyaga howl maalmeedkooda ku guda jiray ayaa kala ahaa Barnaamij soo jeediye Luis Manuel Medina iyo barnaamij soo saare Leo Martinez, waxaana dilkan wariyaasha aad uga naxay eheladooda iyo dadkii asxaabta la ahaa.