|

Abwaan Xasan Ganay oo Ka Hadlay Todobada Fannaan ee uu Ku Jecel yahay Codadkooda,Suugaan Xafididda iyo Habka Jilida !!!!

Hargaysa 15. February 2017 (SDN/QJ):-Xasan Xaaji C.laahi Xasan oo Ku Magac Dheer ‘’Xasan Ganay’’ Wuxuu ka Mid yahay Foolaadka Fanka Somalida Waa Abwaan Soo Saaray Riwaayado badan iyo Suugaan Dhaxal u ah Guud ahaan Ummada Ku Hadasha Luuqada Somaliga.

Abwaan Xasan X. C.laahi ‘’Xasan Ganay’’ oo Xogwaran Gaar ah siiyey Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinkaaga Danta Guud waxa weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii Tegay ee uu soo Saaro Haldoor Rashiid Sulub Caalin ayuu ku Iftiimiyey arrimo Ku Saabsan Sooyaalkiisa Nololeed,Aqoontiisa, Qaybo ka Mid ah Suugaanta aadka u badan ee uu Curiyey iyo Arrimo Kale.

Ugu Horayn Abwaan Xasan Xaaji C.laahi Xasan ‘’Xasan Ganay’ oo Ka Jawaabaya Halkii uu Ku Dhashay iyo Deegaanadii uu Noloshiisa Caruurnimo ku soo qaatay Waxaanu Yidhi “Anigu waxaan ku dhashay duleedka Degmada Bullaxaar oo ka tirsan Gobolka Saaxil, waxaan Dhashay Sannadihii Afartameeyadii oo Maanta ma Yari Inkasta oo Sannadkii aanan hayn, aniga oo dhawr iyo toban jir ah oo kuray ah ayaan markaa ka imi miyiga Bullaxaar oo waxaan imid magaalada Berbera kadibna waxaan shaqo ka bilaabay Hudheelada, markii dambana waxaan u soo wareegay Hargaysa,Waxaan ka shaqeeyay Mar kale Hudheeladii,Waxaan Markaas kadib u wareegay dhinaca Geerashyada’’

Xasan Ganay Waxaa Kale oo uu ka hadlay halka uu ka Galay Markii danbe Nidaamkii Dawladeed ee Ka Jiray Dalkii la isku odhan Jiray Somalia Waxaanu Xusay inuu ku Biiray Ciidankii Kamaandawsta ee Xooga Dalkii Somalia Isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu Yidhi ‘’Sannadkii 1967kii, ayaan ku biiray Ciidamadii Xoogga Dalka, markaas ilaa 1970kii waxaan ku jiray Ciidamadii Kamaandoosta ahaa Markii danbe Waan ka soo wareegay xilligaas Waxaanan Ku Biiray kooxdii Baamboyda iyo Kooxdii Janan Daa’uud. ”

 

Abwaan Xasan Ganay Waxaa Kale oo uu Ka Jawaabay inuu Curinta Suugaanta Hido u leeyahay iyo In Kale Waxaanu Xusay in Qoyska uu ka soo Jeedaa ay Hidaystaan Suugaanta Isla Markaana in Badan oo Ka Mid ahi ay Tiriyeen Suugaan kala Duwan Waxaanu intaas raaciyey in Xitaa Qaar ka Mid ah Caruurta uu Isagu Dhalay ay Suugaanta tiriyaan.

Abwaan Xasan X.C.laahi ‘’Xasan Ganay’’ Waxaa Kale oo la weydiiyey Riwaayadihii uu Curiyey Waxa uu ka Xasuusto waxaanu Ku Jawaabay ‘’Kolay Iminka ma wada Sheegi Karo Laakiin Waxaa ka Mid ahayd

Dab Jaceyl Kari waa ,

Jin iyo Jacayl,

Shil iyo Jaceyl,

Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii Inankayga ,

Galbeed waa la xoreeye Waarsaa Gaagixisay ,

Bidaari Sibiq bay kugu Gashaa ,

Masiibadu Adduunyada iyadaa u Macalin ah .

Waxaa ugu dambeeysay riwaayad aan Sameeyo ‘’Dhaqankeena iyo Dhalinta Casriga’’, laakiin Weli Masrax laguma dhigin Inshaa Allah Wakhtiga ay ku Munaasib noqoto ayaa la dhigi doonaa’’ ayuu Yidhi Abwaan Xasan Ganay.

Abwaan Ganay Waxa uu intaas ku daray in Suugaan badan oo uu Curiyey ay kaga Lumeen halgankii dib u xoraynta waddanka,Isagoo dhanka Kalena u Mahadceliyey Abwaan Maxamed Aadan Dacar oo uu Sheegay inay Dhinacna Walaalo ka Yihiin Geesta kalena uu ka mid ahaa Shakhsiyaadkii uga sii horeeyay fanka isla markaana wax badan ka gacan siiyay Sidii ay Suugaantiisu u wada gaadhi lahayd dhegaha Mujtamaca ku hadla Luuqada Soomaaliga.

Xasan Ganay waxa la weydiiyey Afarta Fannaan ee uu ugu Jecel yahay Codadkooda Waxaanu Yidhi ‘’Xaga Hablaha Waxaan ugu Jeclaa Faadumo C.laahi Kaahin Maandeeq, Iyo Xaliimo Khaliif Cumar Magool (AHN), Xaga Ragana waxaan aad u Jecelahay Maxamed Axmed Kuluc iyo Maxamed Saleebaan Tubeec,Iyana eebbe ha u naxariisto’’

Abwaan Xasan Ganay Waxaa Kale oo uu Intaas raaciyey in Xaga Xafidaada Suugaanta iyo Gudbinteeda uu aad u Jecel yahay Aamina C.laahi iyo Xasan Aadan Samatar Halka Jilidana uu aad u Jecel yahay Meecaad Miigane.

Abwaanku Wuxuu Sheegay in Nolosha uu aadka u Jecel Yahay ee Suugaantiisa Sida gaarka ah looga dhex akhristaa ay Tahay ta Taala Miyiga Inkasta oo Wakhti badan aanu ku soo qaadan ‘’Baadiyaha Kumaan weynaan hadana Magaalada Waxba kama aqaan,Jacaylka Miyiga ee aan Xiisan Jiray ayaa igu dhaliyey in Suugaan badan oo aan Curiyey ay u badan Tahay dhanka Miyiga’’

Abwaan Xasan Ganay Waxa uu ka hadlay Buug Laga qoray Suugaantiisa oo dhawaan Suuqyada soo Galay ‘’ Buugani waxa uu Suugaanta aan Curiyey uu ka Yahay 25% ,Mid kale oo aan Weli la Tifaftirin ayaa Jira Waxa uu isna Noqonayaa Qiyaasta Suugaantayda 25% in badan oo ka mid ah Riwaayadihii aan Curiyey iyo Suugaantii Kale ayaa ka Maqan’’

Xasan Ganay Waxa la weydiiyey Mudada ka Hadhay Cimrigiisa (Inta uu Alle Ku Simo) Shaqada uu Jecel yahay inuu qabto Waxaanu ku soo Koobay inuu rabo inuu Xadhiga ilaahay qabsado isla markaana uu u ban baxo Cibaaddada eebbe.

Abwaan Xasan X.C.laahi Xasan ‘’Xasan Ganay’’ Waxa uu Sheegay inuu Fanku Yahay Wax aad u Wanaagsan oo Bulshada laga hagi karo,Wax lagu bari karo, Isla markaana Garaadka Mujtamaca lagu dhiso Waxaanu u soo jeediyey dhamaanba Dhallinyarada Xiligan fanka ku jirtaa inay maanka ku hayaan in Fanku leeyahay Xeerar iyo Shuruuc Fannaanka qabta marka uu Khaldamo,Waxaanu intaas ku daray in Fankii hore iyo ka maanta uu farqi u dhexeeyo.

Comments are closed