” Jamhuuriyadda Somaliland waxay si weyn ula socotaa in Xukuumadda ka talisa Villa Somalia ay si toos ah iyo si dadbanba gacanta ugula jirto arrimo ka dhan ah Nabadda’’ Madaxtooyadda Somaliland
Hargaysa 15. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxtooyada Somaliland ayaa soosaartay war-saxaafadeed ay kaga jawaabayso hadalkii kasoo yeedhay Hanti-dhowraha qaranka Soomaaliya Mudane Dr. Nuur Faarax Jimcaale kaasi oo kasoo horjeestay Heshiiskii saldhigga millatari ee Somaliland iyo Imaaraadka carabta.
War-saxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa waxa lagu yidhi; “Dawladda Jam. Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa hadalkii Riyada, Indha-adayga iyo Meel-ka-dhacaba ahaa ee ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya (14.02.2017-ka), taasoo ay si qaawan oo aan xishood lahayn ugu faro gelisay Heshiiska dhex maray Dawladaha Jam. Somaliland iyo Imaaraatka Carabta ee la xidhiidha Saldhiga Milatari ee laga hirgelinayo Marsada Caalamiga ah ee Berbera.”
Sidoo kale, warkan kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa waxa lagu sii yidhi;” Jamhuuriyadda Somaliland waxay si weyn ula socotaa in Xukuumadda ka talisa Villa Somalia ay si toos ah iyo si dadbanba gacanta ugula jirto arrimo ka dhan ah Nabadda, Wada-jirka, Horumarka, Danaha Dhaqaale iyo kuwa Siyaasadeed ee Qaranka Somaliland. Dawladda iyo Shacabka JSL waxay og yihiin si weyna isha ugu hayaan fadqalalooyinka qorshaysan ee ay Xukuumadda Xamar soo abaabulayso taasoo ay uga dan leedahay in khal-khal lagu geliyo Nabadda, Deganaanshaha, Horumarka iyo Dimuqraadiyadda ka hana-qaaday Somaliland. Sidoo kale, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay si cad oo aan gabasho lahayn ugu foogan tahay carqaladaynta tallaabo kasta oo uu Qaranka JSL xagga wanaagsan u qaado.”