|

Xuutiyiinta oo markii u horaysay ka hadashay saldhiga Berbera iyaga oo soo saaray hanjabaad culus oo ku socota Somaliya iyo Imaaraadka

Sanca 15. February 2017 (SDN/QJ):- Warsaxafadeed ay soo saareen Mucaaradka dalka Yemen gaar ahaan garabka Kooxda Xutuyiinta ee Shiicada ah Iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dawladda Iiraan ayaa lagu sheegay inaan loo dul qaadan doonin saldhig ciidan mileteri oo ay Dawlada Imiraadka Carabtu ay sameysteen Magaalada Berbera oo ay ku tilmaameen in qorshihiisu yahay in dagaalkii Yemen loo raro Soomaaliya.

Waxaa shirkooda Jaraaiid ku sheegeen inaysan u dul qaadan doonin ayna talaabo muhiim ah qaadayaan oo ku saabsan dhinaca badda iyo Cirka maalinta ugu horeysa ee ay Ciidamo dawladda Imiraadku ka tirsan ay soo cago dhigtaan dalka Soomaaliya.

 

Xuutiyiinta iyo Iraan waxay digniin u direen Dawladda Soomaaliya,waxaana sheegeen inaysan u dulqaadan dooni daandaansiga dawladda Imiraadku ka bilowday gudaha Soomaaliya ee ku wajahan Dalka Yemen,waxaana ay sheegeen inaysan gacmaha ka laaban doonin ayna qaadi dooni Masuuliyadda Wixii ka dhasha dagaalada Imiraadku ku qaado dalka Yemen.

 

Ugu dambeyntii Waxaa Golaha Barlamaanka iyo Guurtida Somaliland shaaciyeen inay Ansixiyeen in saldhig mileteri ka sameysato dawladda imiraadku Magaalada Berbara.

Comments are closed