‘’Wareejinta Saldhiga Berbera Waxaanu ka Qaadanaynaa Racfaan Kamana Hadhi Doono’’ Siyaasi Rashiid Ciise DAAWO
Hargaysa 15. February 2017 (SDN/QJ):- Siyaasi Rashiid Ciise Gaboobe oo warbaahinta kula hadlayay, gudaha magaalada Hargeysa ayaa yidhi “Qaranimadii Somaliland maanta waxaan u arkaa inay hog ku dhacday, bulshadana waanu isugu yeedhi doona waxaananu doonaynaa inaanu sida ugu dhakhsaha badan racfaan uga qaadano, wadankuna dib u xoreyn caqli ayuu u baahan yahay ee uma baahna, dib u xoreyn hub, Somaliland-na beed yar oo jabaya maaha”
Dhanka kale waxaa uu bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay meel uga soo wada jeesadaan wixii mustqabalka wadankooda dib u celinaya.