|

Madaxweyne Farmaajo oo shuruudo adag u dhigay Shaqsiga uu Ra’iisal wasaare u magacaabayo

Muqdisho 15. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shuruudo adag u dhigay shaqsiga uu doonay inuu u magacaabo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo dhowaan xilka la wareegi doono xilka ayaa xildhibaano ugu tegay inuu xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabo u sheegay inuu doonayo shaqsi ay wadashaqeyn karaan.

Farmaajo ayaa shuruudihiis waxaa ka mida:

1- Shaqsi leh aqoon heer sare ah

2- Shaqsi leh karti iyo awood hogaamineed

3- Qof ay wadashaqeyn karaan mudadda uu xilka hayo ee 4-ta sano ah

Musharaxiin iyo xildhibaano ka socda beelaha Hawiye oo xilkan ku loolamaya ayaa kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha cusub oo ay ka dalbadeen inuu xilka Wasiirka koowaad siiyo shaqsiyaad ka soo jeeda beelahooda, taasoo uu sheegay inuu tixgelinayo.

Comments are closed