Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo Sacab Dheer Ku Soo Dhaweeyay Saldhiga Mileteri ee Xukuumadu Siisay Imaaraadka & Amaan uu u Soo Jeediyey Dawlada DAAWO
Hargaysa 14. February 2017 (SDN/QJ):-Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa Si Buuxda u Taageeray Heshiiskii ay Labada Gole ee Sharci dejintu Meel Mariyeen ee Ku Saabsanaa Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka laga Siinayo Madaarka Berbera.
Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo Warfidiyeenada Kula Hadlay Magaalada Hargaysa ayaa Soo dhaweeyay Heshiiskaas Isagoo Sheegay in Xukuumadda Somaliland ay Qabanayso Wixii Danta Qaranku Ku Jirto.