Madaxweyne Ku Xigeenka Maamul Goboleedka Somaliyeed ee Punt Land oo Wacad Ku Maray Inay Somaliland Ka Xorayn doonaan Gobolada Sool Iyo Sanaag DAAWO
Garowe 14. February 2017 (SDN/QJ):- Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey, ayaa jawaab ka bixiyey hadal uu Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Dr. Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ku sheegay in cadow-ga kaliya ee ay leeyihiin ay tahay Puntland.
Cali Khaliif ayaa isaga oo ku sugan dalka Jabuuti sheegay in Somaliland iyo Khaatumo ay u midoobi doonaan sidii la isaga difaaci lahaa Puntland, oo Isirka Dadka Deggan Gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ee Somaliland awgeed ku sheegata Mulkiyadda Dhulkaasi.
“Hore ayaan waxaan u idhi Khaatumo xun iyo Khaatumo wanaagsan bey leeyihiin dadka Sheegta reer Khaatumo, markaa waxaa ilaah mahaddii ah in kuwa Khaatumada xun ahaa ay banaanka isa soo dhigeen “ ayuu yidhi Eng. Camey oo la hadlay warbaahinta Puntland Maanta, waxaanu intaa ku daray oo uu Weerarray Wada-hadallada Dr. Cali Khaliif kula jiro Somaliland, “Qoladan qaylinaysa Awr uun baa lagu kacsanayaa maahane , wax is-badal ahi oo uu u imaanayo ama u soo socdaa meesha ma yaaliin. Adeer dadku waa is-yaqaanaa , Siilaanyo wuu yaqaanaa Cali Khaliif, marka waxa ay ila tahay nin ku yaqaan been uma sheegi kartid “
Mr. Camey wuxuu ka hadlay Safarkii dhinaca Dhulka ahaa ee Dr. Cali Khaliif Galaydh uu Toddobaadkii hore ku yimid Hargeysa, “Cali Khaliif haddii uu haysto dad taageerayaal ah waa la arki lahaa, isaga oo keligii ah ayuu gaadhi Nooha ka raacay Buuhoodle, marka aaway dadka uu haystay.”
Ugu dambeyn, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu is waydiiyey waxa Somaliland ka faa’iideyso Wada-hadallada u socda Cali Khaliif Galaydh iyo Kooxdiisa Khaatumo.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa dhalasho ahaan ka soo jeeda Deegaanka Buuhoodle ee Somaliland.