|

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Maamul Goboleedka Puntland oo dil ku xukuntay todoba nin oo lala Xidhiidhiyey Al Shabaab

Garowe 14. February 2017 (SDN/QJ):- Maxkamad Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa xukuno dil ah ku riday todoba dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab isla markaana ay falal dil ah ay u geysteen Masuuliyin ka tirsan Puntland oo dhawaan lagu dilay Boosaso.

magacyada dhalinyarada la xukumay ayaa kala ah:-

 

1-Nuuradiin Axmed Samatar Deerow, 20 jir

2-Ayuub Yaasiin Cabdi 32 jir

3-Cali Ismaaciil Cali (Cali Gaab) 20 jir

4-Xasan Aadan Xasan Maxamed, 22 jir

5-Cabdixakiin Maxamed Aways, 24 jir

6-Maxamed Yaasin Cabdi Maxamud 17 jir

7-Daa uud siciid sahal (dadiisu 18 sano jir )

 

Qareeno u doodayey dhalinyaradan lagu edeyey in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa sheegay in maxkamada aysan heynin cadeymo buuxa oo raggan ku cadeynaya dembiyada lagu soo eedeeyey.

 

Qaar kamid ah dhalinyaradan ku eedaysan Al-Shabaab isla mrkana la sheegay in ay falal dil ah ka geysteen Magaalada Boosaaso ayaa Maxkamad ka hor hadlay iyagoona iska fogeeyey inay lug ku leeyihiin dembiyadan Maxkamada la hor keenay, iyagoo xusay in jirdilay.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Shanta Gobal ayaa sheegay inay iyagu isku markhaati fureen inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, iyadoo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee shanta Gobal Cabdi Fataax Xaaji Aadan uu ugu dambeyn xukun dil Toogasho ah ku riday dhalinyaradan.

Comments are closed