|

Nin U Dhashay Dalka Hindiya Oo Kafaalo Qaaday Daryeelka Carruur Qabta Cudurka HIV/Aids Oo Eheladoodu Dayriyeen !

Delhi 14. February 2017 (SDN/QJ):-Had iyo jeer dadka qaba cudurka dillaaga ah ee Hiv/Aids waxay la kulmaan dhibaatooyin aad u badan oo ay ka mid yihiin in la takooro oo la iska fogeeyo oo ay noqdaan kuwa bulshada ay ku dhex nool yihiin si gaar ah ay iskaga ilaaliyaan.

Nin u dhashay Dalka Hindiya ayaa waxa uu bilaabay arrin cusub waxaanu isku qoray 22 carruur ah oo qaba cudurkaasi oo ay waalidiintoodu caydhiyeen, Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Thomas Rajib ayey ubadkaasi yaryar u yaqaanaan Baba Rija.

Arrintan ayaa waxa uu Thomas waday muddo toban sano ah waxaanu had iyo jeer gacanta ku dhigaa isla markaana daryeelaa ubadka yaryar ee darbi jiifka ah ee ku nool Bombay ee dalkaasi, iyagoo carruurtaasi ay kula nool yihiin gurigiisa.

Ninkan oo da’diisu tahay 44 sano ayaa waxa gacan siisa gabadhiis oo ku dedaasha sidii ay ubadkaasi u korin lahayd, sidoo kalena laba carruur ah oo uu dhalay ayaa aaminsan inay carruurtaasi yihiin walaaladood.

 

Comments are closed