Salaadiin Ka Mid ah Gobolka Maroodi jeex oo Xukuumadda Ku Taageeray Heshiiska Saldhiga Mileteri ee Berbera DAAWO
Hargaysa 13. February 2017 (SDN/QJ):- Xubno ka Mid ah Salaadiinta Gobolka Maroodi Jeex oo Maanta Warbaahinta La Hadlay ayaa Sheegay inay Taageero Buuxda La Garab Joogaan Heshiiskii ay Xukuumadu La Gashay Imaaraadka ee ku Saabsanaa Saldhiga Mileteri ee Laga Siinayo Madaarka Magaaladda Berbera, Kaas oo Shalay ay Cod Aqlabiyad ah ay ku meel mariyeen labada Gole ee Sharci dejinta (Guurtida & Wakiiladda).